“Waxaan Codsanayaa in Qofkii-ba $1 Dollar Ku Darsado Dagaalka Al-Shabaab….” Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh Mohamuud-Hayaannews

Madaxweyne Xasan Sheekh“Waxaan idiin kugu Baaqayaa reer Muqdisho, Khawaarijtu Waa idinku Dhexjiraan… Ee iska Saara”

Muqdisho(Hayaannews): Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay dhaqaale ahaan ka qeybgalaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, isla markaana uu qofkiina hal dollar ugu deeqo dowlada, sida uu xaqiijiyay Wasiirka Warfaafinta.

“Iyada oo ay si habsami leh u socdaan howllada ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta, ayaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in qofkiiba uu hal dollar ku darsado barnaamijka difaaca dalka ee xoreyna dalka looga xoreynayo Khawaarijta,” ayuu Daa’uud Aweys.

Waxa uu sheegay Wasiirka Warfaafintu in tallabadan madaxweynuhu ku dhawaaqay ay tahay ‘mid lagu dardar gelinayo howlgallada lagu cirib tirayo Khawaarijta, iyo in shacabka fursad loo siiyo howlgallada ka dhanka ah kooxdan.’

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhowr jeer oo hore shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka qeybgalaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

“Waxaan idiin kugu baaqayaa reer Muqdisho, Khawaarijtu waa idinku dhexjiraan… ee iska saara, guryihiina ayay ku jiraan, waa deriskiina, baabuur ayay idin ku dhex maraan,” ayuu yidhi Xasan Sheekh Maxamuud mar uu bartamihii bishii hore ee Januray la hadlay dadweyne aad u fara badan oo isugu soo baxay bannaanbax ay soo qaban qaabisay dowladda oo looga soo horjeeday maleeshiyada Al-shabaab oo lagu qabtay garoonka ciyaaraha Ing. Yariisow.

Madaxweyne Xasan Sheekh Mohamuud-Hayaannews