“Waxaan ka Naxay Inaan Maqlo Dabka Ka Kacey Suuqa BANAADIR….” Maayir Cabdikariin Axmed Mooge

Maayorka Caasimadda Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge

Hargeysa(Hayaannews): Maayorka Magaalada Caasimada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge ayaa u direy dhambaal duco ah Ganacsatada suuqa gubtey caawa ee  Magaalada Muqdisho, isaga oo  Eebe uga beryey  in aanu fidin dabku oo ka bakhtiiyo kana badbaadiyo nafahooda.

Duqa Caasimada Somaliland ee Hargeysa Cabdikariin Mooge, isaga oo la qaybsanaya dhibta Ganacsatada suuqa gubtey ee Muqdisho waxa uu yidhi;

“Waxaan ka naxay in aan maqlo dabka ka kacay Suuqa Banaadir, waxaan ahay Maayar soo dareemay dhibta dabku u gaysto dhaqaalaha magaalo.  Waan u ducaynayaa ganacsatada Suuqu ka gubtay. Waxaanan Allah uga baryayaa in dabku anuu fidin oo Allah ka bakhtiiyo nafahana uga badbaadsho.”Ayuu yidhi Maayir Mooge oo caawa qoraal kooban soo saaray isaga oo jooga Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

 #Hayaannews, Office

Mustafe-Janaale

Hargeysa, Somaliland

FACEBOOK: https://www.facebook.com/Hayaannews

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com