“Waxaan u Mahad-naqayaa Xubnaha Golaha Dhexe Ee I Doortay” Maxamuud J. Warfaa


Hargeysa (Hayaannews)- Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye Maxamuud Jaamac Warfaa ayaa ka hadlay Xilka Guddoomiyaha Golaha dhexe ee marlabaad loogu doortay.

Maxamuud Jaamac Warfaa ayaa waxa uu uga Mahadnaqay Shirkii 7aad Xubnaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye u Doortay Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye

Maxamuud Jaamac Warfaa oo uga Mahadnaqayay Xubnaha Golaha dhexe ee doortay waxa uu yidhi”Waxa ii Sharafa in mar labaad la ii doortay Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye waxaana mahadnaq usoo jeedinayaa Xubnaha Golaha dhexe ee ii doortay mar labaad Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye,”.

Maxamuud Jaamac Warfaa oo hadal kiisa sii wataa waxaa uu yidhi”Waxaana aan u Mahadcelinayaa Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi,waxaana aanu u gudan doonaa xilkaa lay doortay si Midnimo leh oo wada jir leh aanu u gudano,”.

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayannewssoma@gmail.com