HAYAANNEWS.NET
“Waxaanu Bulshada Somaliland & Beesha Caalamka U Sheegayna In Aanay Sinaba Suuro Gal U Ahayn In Ay Laba Xisbi Yidhaahdaan ‘Anaga Somaliland Sida Aanu Doonno Ka Yeelayna,” Dr Cirro
April 25, 2019 - Written by editor editor
Hargeysa(Hayaannews) Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa sheegay in aanay sinaba Somaliland uga suuro galayn qorshaha ay ku heshiiyeen xukuumadda Kulmiye iyo xisbiga UCID ee ah in ay isku raaceen arrimo la xidhiidha qabsoomidda doorashada oo WADDANI ka maqan yahay. Waxa uu si weyn u dhalliilay qorshaha labada xisbi waxaanu tilmaamay in xisbiga WADDANI diyaar u yahay qabsoomidda doorashada iyo in laga wada hadlo dhammaan caqabadaha hor yaalla doorashooyinka.
Dr Cabdiraxmaan Cirro oo
masuuliyiinta sarsare ee xisbiga WADDANI iyo Taageerayaashiisu ku soo
dhaweeyeen madaarka Hargeysa shalay waxa uu sheegay in Somaliland ay ururin u
baahan tahay laakiin, ficillada xukuumaddu yihiin kuwo kala kaxaynaya bulshada “Waxaynu doonaynay Somaliland la ururiyo oo
shacbigeeda la ururiyo oo wada jirkeeda la ururiyo laakiin, waxaad moodda in
dhacdooyinka isdaba socda midba mid ka yaab badan tahay! Shalay xukuumaddii
Somaliland iyo labadii xisbi ee Kulmiye iyo UCID waxay soo saareen waxay ku
sheegeen go’aan laakiin, go’aan muu ahayn waxaynu ku macnayn karayna oo kaliya
in uu ahaa shahaadadii dhimashada ee hannaankii dimuqraadiyadda iyo
doorashooyinka Somaliland, Illaahay ha inooga sahlo Somaliland-na way galaafan
karta arrintaasi,” Sidaas ayuu yidhi Dr Cabdiraxmaan Cirro
Guddoomiyaha WADDANI waxa uu
intaasi raaciyay in aanay laba xisbi kaligood go’aan ka gaadhi Karin masiirka
Somaliland “Waxaanu u sheegayna
tallaabada ay qaadeen in aanay ahayn mid u danaynaysa hannaanka dimuqraadiyadda
Somaliland iyo in doorashooyin dalka ka qabsoomaan, maaha tallaabo u danaynaysa
midnimada shacbiga iyo wada jirkooda laakiin, waa tallaabo dildillaac ku keeni
karta bulshada Somaliland , waxaanu u sheegayna tallaabada ay qaadeen in aanay
sinaba uga suuro gal ahayn Somaliland in ay laba xisbi yidhaahdaan ‘Somaliland
anaga sida aanu doonno ka yeelayna’ inta ay gaar u tashadaan,” Sidaas ayuu
yidhi Dr Cabdiraxmaan Cirro.
Waxa uu intaasi sii raaciyay
in gabi ahaanba go’aankaas xisbiga Waddani gaashaanka u daruuray “Farriinta aan u dirayo shacbiga reer
Somaliland iyo Beesha Caalamku waxa weeye go’aanka magaca ay doonaan ba ha u
bixiyaane in aanu deedafaynay oo aanan ogolayn oo aanu diidnay xisbi ahaan,
Waxa uu xisbiga WADDANI Beesha Caalamka iyo shacbigaba u sheegaya in uu diyaar
u yahay doorashooyin wakhtigoodii ku qabsooma. waxa kale oo aan u sheegaya
bulshada Somaliland iyo Beesha Caalamkaba in aanay suuro galayn in kaligii
xisbi doorasho Somaliland ka qabsado. Waxaanu leenahay labada xisbi iyo
xukuumaddana taladii waad la ambateen anaguna waxaanu diyaar u nahay miiskii
wada hadalka sidii aanu awalba diyaar ugu ahayn ee talada halkeedii ha lagu soo
celiyo haddii la doonayo in doorashooyinku wakhtigoodii ku qabsoomaan.”
Ugu Dambeyn waxa uu
guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro bulshada u diray farriin “Waxaan shacbiga
Somaliland ugu baaqaya, walaalayaal xukuumaddii aynu dooranay waad aragtaan,
labadii xisbina waynu aragnaa, in ay ambadeena waynu aragnaa, Aadan Carab baa
tilmaamay dadka ambada oo wuxuu yidhi ‘Nin Ambaday Halkuu aaday way ula
eekaatay, anigoo arkaayaan waddadii Eerigo maray’ waxaan leeyahay labada xisbi
iyagoo arkayay wadadii Eerigoo Mareen. Somaliland waa la wada leeyahay,
taladeeda waa la wada leeyahay, cid gaar u tashan karta ma jirto. Go’aankooda
marnaba kumay xusin caqabadihii doorashada hor taagna iyo sida loo qaadayo,
waxaa is waydiin leh waxay yidhaahdeen ‘Komishanku ha joogo ilaa 29-ka
November’ waxay yidhaahdeen ‘Ogos baanu soo jeedinay in la magacaabo Komishankii
cusba’ Maxaa u diidaya in May la magacaabo? Maxaa u diidaya in June la
magacaabo? Sharciga kaa u ogolaaday muxuu kan ugu diidan yahay? Haddii doorasho
la doonayo talo ha la isugu yimaaddo, doorashadii diyaar baanu u nahay,
shacbiga Somaliland na waxaan ku dardaaraya maaddaama aynu aragno xukuumaddii
iyo taladeedii, maaddaama aynu aragno labadii xisbi iyo taladoodii midnimadeenu
waa muhiim, wada jirkeenu waa muhiim, duruufaha ina haysta ee inagu gadaaman
waxaynu kaga bixi karayna midnimo, Somaliland hadday wada hadli kari waydo oo
Axsaabtu wada hadli kari waydo Soomaaliya sidee bay ula hadlaysa? Bal idinku is
waydiiya?
Dr Cabdiraxmaan Cirro waxa uu si weyn u
cambaareeyay qaar ka mid ah falalkii dalka ka dhacay muddadii uu maqnaa “Intii
aan Maqna Somaliland waxa ka dhacayay dhacdooyin yaab leh. Hees baa odhan
jirtay ‘dharaaraba wax yaabla igu soo dhacaya’ Intii aan maqna dhacdooyinka
dhacay way badnaayeen laakiin, waxaan ka soo qaadan doona in yar oo faro ku
tiris ah; waxa ka mid ah hooyooyinkii iyo umulihii lagu laayay dhulkoodii ee
iyagana la xidhxidhay ee oohintooda qof walba oo reer Somaliland ah gudo iyo
dibadba uu gaadhay codkoodu. Waxa ka mid ah muwaadiniin dan yar ah oo maxkamadi
ku xukuntay lacag ku dhaw 7 Boqol oo kun oo dollar midkiiba. Waxa ka mid ah
saxaafaddii madaxa bannaanayd oo sidii xoolaha loo xarraasayo oo jeelka laga
buuxinayo, waxa ugu dambeeyay kuwii jidh dilka loo gaystay Tifaftirihii Bulsho
Tv iyo Cabdimaalik Coldoon oo Burco laga soo afduubay,”
Xukuumadda
Oo Sii Daysay Laba Haween Ah Iyo Canada Oo Muwaadiniinteeda Uga Digtay
Somaliland
Hargeysa(Waaberi) Xukuumadda
Somaliland ayaa xabsiga ka sii daysay laba dumar ah oo magaalada Hargeysa ku
xidhna saddexdii bilood ee u dambeeyay. Haweenka ayaa lagu xukumay xabsi dhan
laba bilood iyo badh kadib markii lagu eedeeyay in ay isticmaaleen daroogo.
Qareennada difaacayay iyo
dumarka ayaa diiday in ay isticmaaleen mukhaadaraad mamnuuc ka ah Somaliland
waxaanay ku doodeen in aan laga helin wax maandooriye ah gurigii laga soo
qabtay laakiin, dhawaan ayay si joogta ah warbaahinta Canada wax uga qortay
arrinta dumarkan taas oo keentay in xeer ilaalinta Somaliland kiiska ka noqoto
lana sii daayo.
Wargeyska Globe and Mail oo
ka soo baxa dalka Kanada oo arrintan markii u horaysay wax ka qoray ayaa
sheegay in dawladda Kanada, safiirka Somaliland ee dalka Ingiriiska Ayaan
Maxamuud iyo Garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac (Dafac) u xaqiijiyeen sii daynta
labada dumarka ah lagana noqday kiiskii loo haystay.
Dawladda Canada ayaa
wargeyska u sheegtay in ay gacan ka gaysatay sii daynta labada dumarka ah oo
kala ahaa Maymuuna Cabdi oo 28 jir ah iyo Karima Watts oo 23 jir ah kuwaas oo
Somaliland u yimid hawlo la xidhiidha la dagaallanka tacadiyada haweenka.
Dawladda Canada oo aan
aqoonsanayn Somaliland ayaa ku tilmaantay dawlad iskeed ugu dhawaaqday madax
bannaani oo citiraaf raadis ah waxaanu wargeyska Globe And Mail sheegay in
dawladda Canada dhammaan muwaadiniinteeda uga digtay u socdaalidda Somaliland
iyo Soomaaliya iyada oo kula talisay in aanay u socdaalin loona qabsan karo
madax furasho lacageed.
“Dhammaan Ajaaniibtu waxay
halis heerkeedu sareeyo ugu jiraan in lagu afduubto guud ahaan Soomaaliya oo ay
ku jirto Somaliland. Dhawr qof oo ajaanib ah oo arrimo bani’aadanimo ka
shaqaynayay ayaa la afduubtay,” Sidaas ayuu wargeysku ka soo xigtay Bogga
dawladda Canada ee talooyinka siiya muwaadiniinteeda.
Ma cadda in digniintani la
xidhiidho kiiska labadan dumar ah oo ay si weyn indhaha ugu hayeen todobaadadii
u dambeeyay warbaahinta Canada iyo ururada xuquuqal iinsaanku.
Related
COMMENTS
|