“Waxaanu Hadda Goob Wershadaha Dalka La Isugu Geynayo Aanu Ka Wadna Deegaanka Geed Deeble….” Wasiir-SAAJIN

“Ina Geelle Arab Dad Baa Daba Cararayay Madaxweynuhu Rasaastu Isaga Dhigay…” Wasiirka Ganacsiga Somaliland

Hargeysa (Hayaannews)- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska ee Somaliland Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), ayaa sheegay inay Xukuumaad ahaan wadaan qorshe ay gudaha magaalada Hargeysa kaga saarayaan wershadaha ganacsiga ah, iyadoo loo rarayo degaanka Geed-Deeble ay ka wadaan xaruntii lagu ururin laha guud ahaan Wershadaha ku yaalla Gudaha caasimadda.

Wasiirka Ganacsiga iyo Wershaha JSL waxa uu sheegay in Aagga loogu talo-galay Wershadleyda ka hawlgala caasimada laga hirgelinayo dhammaan adeegyada kala duwan ee lagama maarmaanka u ah wax-soo-saarka Wershadaha.

“Aniga iyo Wasiirka Maaliyadda oo iskaashanayna waxaa aanu hadda goob guud ahaan wershadaha dalka la isugu geynayo aanu ka wadna degaanka Geed Deeble, isla markaana laydhkii ay wadaagi karaan, adeegyadii kalena ay wadaagi karaan,” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Ganacsiga oo maanta u warramay Guddiga Joogtada ah ee Golaha Guurtida oo weydiiyey su’aalo la xidhiidha hawl-qabadka Wasaaradda.

“Waxa aanu sameynayna hangaro, markaa waxaa aanu kaga kireynayna kiro jaban, ujeedaduna waxa ay tahay kuwa cusub ee imanaya in aanay caqabad la kulmin ayaanu rabbnaa, kuwa hore haddii la furfuri karana kaba sii wanaagsan oo waa ay u guurayaan, sababto ah warshado shan sano ka hor la dhisay ayay magaaladii dhaaftay, waynu furfuri karnaa badankooda, oo way gayn karaan. Waxaanay dhiirigelin u tahay warshadleyda cusub, wax dhib ah oo ay la kulmayaana ma jirto ee qofkasta shaqada warshadiisa hore ayuu ka bilaabanayaa,” sidaas ayuu yidhi Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha Somaliland Maxamuud Xasan Sacad (Saajin)

“Ina Geelle Arab Dad Baa Daba Cararayay Madaxweynuhu Rasaastu Isaga Dhigay…” Wasiirka Ganacsiga Somaliland

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com