“Waxaanu Ku Darsanaynaa Soomaaliya Cidi-na Yeeli Mayso Adduunyadu-na Ka Yeeli Maayo SOOL-na…” Wasiir Shukri Baandare.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddal Cimilada Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare

Hargaysa (Hayaannews): Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddal Cimilada Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaantay in beel ka mida beelaha Somaliland wadda degaa ay ku dhawaaqdo in ay ka goosatay Somaliland.

Wasiirku waxay sheegtay in qabaa’ila Soomaalidu ay wada degaan dhulal kala duwan oo waddamadda Geeska Afrika ku yaalla, isla markana iyagoo Soomaali ah hadana ay ka tirsan yihiin waddamo ama dawlado kale.

Waxaanay wasiir Shukri, tusaale u soo qaadatay in dadka Soomaalidu ay dalalka Geeska Afrika wada degan yihiin,isla markaana haddii bulshadda Soomaalida ah ee ku nool Killidhka Shanaad ee Itoobiya, in aanay suurto gelaynin.

Sidaas darteed na haddii beel ka mid ah beelaha Somaliland wada degaa ay ku dhawaaqdo in ay dalka ka goayso in tallaabadaasi aan la aqbali Karin, isla markaana gobol kasta oo dalka ka mid in beelaha reer Somaliland ay wada degan yihiin.

Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo hadal ka jeedisay munaasibad lagu xusayay maalinta Haweenka Adduunka ee 8-da bisha March, oo maanta lagu qabtay magaaladda Hargaysa, ayaa ka hadashay dagaalka magaaladda Laascaanood ee ay ciidamadda qaranka Somaliland kula dagaalamayaan kooxaha ku soo duulay.

Waxaanay wasiirku Carrabka ku dhufatay in colaadda ka taagan magaaladda Laascaanood ay faraha kula jiraan dawlado shisheeye, iyo sidoo kale cadowga jamhuuriyadda Somaliland oo isa soo baahaystay. Waxanay tidhi, “Soomaalidu meel walba way wada degtaa, oo qabaa’ilku meel walba way wada degtaa. Marka aad Saylac, kaga soo qabato, ilaa NFD, ilaa Jabuuti, reeruhu way wada degaan, oo cid-keliya ahi ma leh. Marka aad xuduudka Saylac, ka soo bilawdo, ilaa Sool, intaa waa la wada degan yahay.Dalkoo dhan waa la wada degan yahay, oo reer kastaaba wuu degan yahay. Ka warran haddii maanta Somaliland la yidhaahdo waanu dagaalamaynaa, oo Soomaaliya ayaanu ku biiraynaa. Dagaal weyn baanu ridaynaa, oo Soomaaliya ayaanu ku biiraynaa, ama Jabuuti ayaanu ku biiraynaa. Miyaa laga yeelayaa? Ma shaqaynayso taasi.Meel wal ba waa la wada dgen yahay. Haddii ay Puntland doonayso in ay ku darsato Sool, dee waanay ku darsan Karin. Xuduud bay leenahay Somaliland, dalka na waa la wada degan yahay, nabad-geliyo na waa lagu wada degan yahay”.

Shukri Baandare, ayaa tilmaantay in aanay suurto gal ahayn in beelaha gobolka Sool ay yidhaahdaan waxaanu ku

darsanaynaa Soomaaliya, balse ay lagama maar-maan tahay in miiska wada hadalka la isugu yimaado, oo xaaladda wada hadal lagu dhameeyo. Waxaanay tidhi, “Cidda reer Somaliland ku abtirsata, ee Shilidhka Shanaad ee Soomaalida Itoobiya degani, haddii ay yidhaahdaan waxaanu ku darsanaynaa Somaliland, cidi na ka yeeli mayso. Ethiopia-na ka yeeli mayso, adduunyadu na ka yeeli mayso. Sool-na waa sidaas oo kale uun, in aanay maanta cidi na yeelaynin in ay yidhaahdaan Soomaaliya ayaanu ku darsanaynaa. Maxay se talladu tahay? Aynu miiska wada fadhiisano, oo aynu wada tashano. Nabad-geliyadda inagaa ku nool, iyadu se inagu ma noola. Xaaladda Laascaanood shisheeye ayaa farraha kula jira”.

“Nabad-geliyadu waxay koow ka tahay nolosha bini’aadamka. Faa’iidadeeda na waxaa maanta garanaya reer Sool, oo carruurtoodii, iyo dumarkoodii, iyo in badan oo dadkoodii ahi halkay maanta u qaxeen.ILLAAHAY SWT waxaan ka rejaynayaa inuu magaaladda Laascaanood nabad ku soo dabaallo, oo dadkeedii ay ku soo noqdaan” ayay tidhi wasiir Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare.

Wasiir Shukri Baandare, waxay sheegtay in maalinta 8-da March ay tahay maalin loo asteeyay haweenka, sidaas darteed-na ay tahay in meel walba oo aynnu joogno haweenka aynnu ugu hambalyeynno.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddal Cimilada Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com