Wefti U Hogaaminayo Madaxweyne Somaliland Oo Safar Shaqo Ku Tagay Dalka Ethiopia

Hargeysa(Hayaannews)- Wefti uu hogaaminayo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa barqadii saaka safar shaqo ugu kicitimay Caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa.
Safarka madaxweynaha ayaa ka danbeeyey, kadib markii uu marti-qaad rasmiya ka helay raysalwasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed.

Waxa la filayaa in Madaxweyne Biixi iyo Raysalwasaaruhu ay ku kulmaan magaalada Addis Ababa khamiista beri, iyagoo ka wada hadli doona danaha Somaliland iyo Itoobiya. Wuxuu kulankani noqonayaa markii u horaysay ee ay kulmaan Madaxweynaha Somaliland iyo Raysalwasaaraha Itoobiya.

Madaxweyne Biixi waxa socdaalkiisa ku wehelin doona Wasiirada khaarajiga Yaasiin Faratoon, maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, ganacsiga iyo wershadaha Maxamed Xasan Sacad iyo taliyaha ciidanka qaranka sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani.

Tan iyo markii Madaxweyne Biixi talada Somaliland loo dhaariyay December 2017 waa socdaalkii labaad ee uu ku tago Addis Ababa, isagoo socdaalkaas u horeeyay la kulmay Raysalwasaarihii hore ee is casilay ee Itoobiya Hailemariam Desalegn, waxaanu socdaalkiisan oo ah kii labaad uu noqonayaa markii u horaysay ee uu la kulmo Raysalwasaarahan isbedelada badan sameeyay Dr. Abiy Axmed.