Wefti Uu Hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeye Dalka Kanada

“Aad bay u mahadsan yihiin reer Somaliland iyo dadka kale ee ka soo jeeda Koonfurta Suudaan iyo dalalka kale ee Afrika  ee nagu soo dhaweeyay Ottawa…”. #Dr_Essa_Kayd_Mohamud.

Ottawa (Hayaannews) – Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud Raagsaale Iyo Weftigii uu hoggaaminayey, ayaa gaadhay dalka Kanada oo ay ku tageen safar shaqo.

Weftigan oo ka ambo-baxay Magaalada London oo ay toddobaadkii u dambeeyay ku sugnaayeen, ayaa waxa garoonka diyaaradaha ee Magaalada Ottawa ku soo dhaweeyay xubno ka mid ah Jaaliyadda Somaliland ee ku nool dalka Kanada.

Wasiir Kayd iyo Weftigiisa oo bishii u dambaysay safarro diblumaasiyadeed ku galaa-bixinayey dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska, ayaa waxay sheegeen In u-jeeddada safarkooda Kanada qayb ka tahay dedaallada lagu iibinayo Qadiyadda Madax-banaanida Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud Raagsaale oo soo dhaweyntiisa Ottawa kadib, la hadlay Saxaafadda ayaa yidhi “3-dii toddobaad ee u dambeeyay waxaanu ku jirnay shaqo aan fasax lahayn, taasi oo aanu ugu jirnay danaha Qaranka Somaliland.”

Dr. Kayd waxa kale oo uu ka warramay ujeeddada safarkooda Kanada ayaa waxa uu yidhi”Waxaanu rajeynaynaa inaanu halkan (Kanada) shaqadii aanu ka qabanay Mareykanka iyo Ingiriiska mid la mid ah..” ayuu yidhi Wasiir Ciise Kayd Maxamuud, waxaanu intaa ku daray oo uu u Mahad-naqay dadka Reer Somaliland ee ku soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Ottawa “Aad bay u mahadsan yihiin bulshada reer Somaliland iyo dadka kale ee ka soo jeeda Koonfurta Suudaan iyo dalalka kale ee Afrika  ee nagu soo dhaweeyay Ottawa…”.Ayuu yidhi.

Wasiirka Arrimaha dibedda iyo Weftiga uu hoggaaminayo, ayaa lagu wadaa inay Kanada kula kulmaan masuuliyiin ka mid ah Dawladda Kanada ee uu hoggaamiyo Raysal-wasaare Justin Trudeau iyo weliba Jaaliyadda Somaliland ee dalkaa ku nool.

Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, ayaa shaqadiisu tahay ka shaqaynta xidhiidhada diblumaasiyadeed ee Somaliland la leedahay dalalka Caalamku kor u kacday tan iyo markii uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu Magacaabay Wasiir Dr. Ciise Kayd Maxamuud.

Wasiir Kayd iyo Weftigiisa oo ay ka mid tahay La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Wada-hadallada Soomaaliya Marwo Edna Aadan Ismaaciil, ayaa waxay hore Magaalada Washington ugula kulmeen diblumaasiyiin Maraykan ah oo u ololeeya qadiyadda madax-banaanida Somaliland, sidoo kale-na waxay Magaalada New York kulan kulan yeesheen xubno ka mid ah Golaha ammaanka Qaramada Midoobay, ka dib markii ay marti-qaad ka heleen.

Ugu dambayn, Weftiga Wasiirku hoggaaminayo, marka ay u dhamaadaan hawlaha ay Kanada u tageen, waxa la filayaa inay 9-ka bishan magaalada Washington kaga qayb-galaan shir uu Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden soo qaban-qaabiyey, kaasi oo lagaga hadlayo horumarinta Dimuqraadiyadda isla-markaana lagu casuumay Madaxda illaa 100 Dawladood oo ka mid ah kuwa ku dhaqma Nidaamka Dimuqraadiga ah ee Somaliland ka hirgelay.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Mustafe_Janaale(#MJ)

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com