Weftiga Somaliland Oo Washington D.C Kulamo kula yeeshay Dublamaasiyiin sare Oo Dowlada Mareykanka ah iyo Qaramada Midoobey

Hargeysa(Hayaannews): Wasaaradda Arimaha Dibadda Somaliland oo War-Saxaafadeed ka soo saartay Weftiga uu hogaaminaayo  Wasiirka Arimaha Dibadda Oo Safaro shaqo ku tegay  Magaalooyinka Washington, DC iyo New York Ee Dalka Mareykanka.

Wefti ballaadhan oo ka socday Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland oo uu hoggaaminyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dr.Ciisa Kayd kuna wehelinaysay Dr. Edna Aadan Ismaaciil, ayaa socdaal shaqo oo qaatay lix maalmood ku tagay magaalooyinka Washington, DC iyo New York, halkaas oo ay kula kulmeen Madaxsare oo ka tirsan dowladda Maraykanka, ururada u dooda Qaddiyadda Somaliland, khubaro iyo aqoonyahanno kale.

kulamadaas oo diiradda lagu saaray arrimo ku saabsan xidhiidhka labada dal iyo arrimaha Geeska Afrika. Weftiga ayaa warbixino ka siiyey

xaaladihii u dambeeyey ee Somaliland, waxa aanay iftiimiyeen baahida loo qabo sii xoojinta xidhiidhka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Maraykanka ee dhinacyada

dhaqaalaha, nabadgelyada, dimoqraadiyadda iyo guud ahaan xaaladda Geeska Afrika.

Magaalada Washington wafdigu waxa ay kaga qayb galeen shirar is-daba joog ah oo ay la yeesheen masuuliyiin ka kala socday Golaha Amniga Maraykanka, Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Wasaaradda Difaaca iyo Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah u qaabilsan Maraykanka USAID, xubno iyo hawlwadeeno sare oo ka socday Guddida Xidhiidhka Dibadda ee Senate-ka iyo Congress ka.

Waftigu waxa kale oo ay warbixino siiyeen khubaro ka socday Atlantic Council, American Enterprise Institute, Jamestown Foundation, US Institute of Peace, Wilson Center, American University, National Endowment for Democracy, International Republican Institute iyo Freedom House, ee Magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Sidoo kale waxa ay weftigu ka qeyb galeen kulamo ay la qaateen mas’uuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobay iyo khubaro ku xeel dheer arrimaha Bariga Afrika, gaar ahaan

koboca dhaqaalaha, nabadeynta, dowladnimada iyo dimoqraadiyadda. Waxa kale oo ay weftiga kulan warbixin ah la qaateen jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan dalka maraykanka.

Ugu dambayn weftiga oo shaqadooda sii wata ayaa u hadda ku sugan dalka boqortooyada ingriiska halkaas oo ay kulam kula leeyihiin xubno ka tirsan baarlamaanka iyo dawlada ingiriiska.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Mustafe_Janaale(#MJ)

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com