Weriyihii Caanka Ahayd Shiiriin Abu Caaqili Oo Si Badheedha Askari Yuhuudi Ahi Uu Toogasho Ku Dilay.

25 Sanno ayaa ay Shiiriin nafteeda khatar kasta ugu biimaynaysay raadinta runta, illaa ay astaan u noqon gaadhay halganka xanuunka baddan ee dadkeeda.

DOHA (Hayaannews): Weriye ka tirsan Al-jazeera ayaa lagu dilay rasaas ay ciidamada Israa’iil ku fureen maanta oo Arbaca ah dhulka la haysto ee Daanta Galbeed.

Sida uu sheegay Telefishinka Al-jazeera ee laga leeyahay Qadar, Wasaaradda caafimaadka Falastiin ayaa xaqiijisay geerida Shireen Abu Akleh, waxayna sidoo kale sheegtay in weriye labaad oo lagu magacaabo Ali Samodi isna la dhaawacay.

Toogasho ay muuqato in ay badheedh tahay, kamaradaha warbaahintuna si muuqato isha ugu hayso, iyada oo xidhan jaakadda iyo koofiyadda astaanta saxafinimo, ayaa ay nafteeda ku weyday Shiiriin Abu Caaqili. Xilli ay doonaysay in ay dunida tusto gumaadka iyo dulmiga ay Yuhuuddu ka waddo xerada Qaxoontiga Falastiiniyiinta ee Jiniin.

In uu askari shiishyahan ahi toos u beegsaday waxaa marag u ah in rasaasta lagala shiishay dhegta hoosteeda oo aanay gaadhayn koofiyadda rasaasta celisa ee ay xidhayd.

Intaas Yuhuuddu kagama ay hadhin ee waxa ay rasaas toos ah la beegsatay cid kasta oo isku dayday in ay badbaadiso Shiiriin iyo weriye la socday oo isagana ay xabaddu dhabarka ka dhaawacday.

25 Sanno ayaa ay Shiiriin nafteeda khatar kasta ugu biimaynaysay raadinta runta, illaa ay astaan u noqon gaadhay halganka xanuunka baddan ee dadkeeda.

Dilka, xadhiga, cabudhinta iyo ceebayntu waa dhibaato ay warfidiyeenku maalin kasta  ku mutaystaan sababta dadaalka ay daaha kaga faydayaan xumaha ay huursadaan, kelitaliyeyaasha, dulmi falayaasha iyo cid kasta oo runta necebi.

“Saxaafadda waxa aan u doortay si aan uga agdhowaado bani’aadanimada, ma fududa in aan beddelo dhibta jirta, laakiin ugu yaraan waxa aan awoodaa in aan codka dadka dhibban dunida gaadhsiiyo”. Ayey tidhi Shiiriin Abu Caaqil oo beri sii horreysay xaaladdeeda shaqo ka hadlaysay.

Dilkan Suxufiydan oo caan ka ahayd dunidda ayaa si weyn looga dareemay guud ahaan Caalamka, iyada oo qof weliba uu ka naxay dilkaasi foosha xun ee loo geystay Suxufiyada halgamaaga ah.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Mustafe_Janaale

Hargeisa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com