Xaalad Degmada Faqaayuub Oo Cirka Isku Shareertay Iyo Shirkadu Boobku Wada Khayraadka Ku Duugan Buuraha +Xaalada Ugu Dambaysay Ee Deegaanadaasi

Xaalada Deegaanada Faqaayuub Iyo Ceel Baxay Ayaa Aad Looga Dayriyaan Ka Dib Markii Halkaas Hawlo Macdan Qodidi Ah Ka Bilaabeen Shirkado Shisheeye Oo Laga Yeeyahay Dalka Chine ]
Shirkadaha Ayaa Gurnaya Khayraadka Ku Duugan Buuraha Gaar Ahaan Dhagax Loo Yaqaano
Jeedhka Dadka Ku Nool Deegaanadaasi Ayaa Walaac Xoogan Ka Muujiyay Shirkadaha Shisheeye EE Gurnaya Khayraadka Dalka Taas Oo Sababta In Ay Sameeyaa Iska Caabin
Dhowaan Waxa Halkaas Gaadhay Wafti Wasiiro Ah Oo Uu Hogaaminayo Wasiirka Wasaarada Macdanta Jaamaca Maxamud Cigaal Kuwaas Oo Halkaas Ka Dhagax Dhigay Xarumaha Iyo Fadhiismaha Shirkadaha Guranaya Macdanta Ku Doogan Buurahaasi Ay Ku Yeelan Doonaan Halkaasi
Wasiiradan Ayaa Dadka Degamada Faqaayuub U Sheegay In Macdantan Laga Qodayo Deegaanka Ay Faaido U Tahay Dadka Deegaanka Ismarkaana Lagu Hor Marinayo Degmada
Waxa Halkaas La Geeyay Ciidamo Tiro Badan Oo Isku Jira Boolis Iyo Milatiri Si Loo Sugo Amniga Shirkadaha Soo Saaray Macdanta
Geesta Kale Ilo Xogo Gaal Ah Oo Aanu Helayno Ayaa Sheegaya In Salaadiin, Cuqaal ,Madax Dhaqameed Iyo Siyaasi Shirar Ku Yeelanayaan Magaalooyinka Berbera Iyo Burco Kuwaas Ka Arinsanaya Xaalada Ka Soo Cusboonaatay Deegaanada Ceel Baxay Iyo Faqaayuub Ila Hadan Lama Oga Halka Ay Saldhigan Doonto Xaaladan Cakiran Ee Ka Deegaanadan .