“Xabbad Aad Joojiso Maaha Halgan Siyaasadeed Oo Nabada…..” Madaxweyne Mustafe Cagjar

Jigjiga(Hayaannews): Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia Mustafe Muxumed Cumar Cagjar ayaa sheegay xabbada oo aad joojiso maaha halgan Siyaasadeed oo nabad ah.

“Xabbada oo aad joojiso kaliya maaha macnaha halgan siyaasadeed oo nabad ah. Isku dhufashada qabiilada, iska horkeenka shacabka iyo maamulada, u hoggansanaan la’aanta shuruucda iyo nidaamka dawliga ah ee jira waxay baalmarsan tahay micnaha halganka siyaasada.

Cid walba oo sifo sharci ah ku halgamaysa way u banaan tahay saaxada siyaasadu. Cid se ka sarraysa sharciga ma jirayso. Cabudhin iyo xadgudub xal maaha; sidoo kale fawdo iyo shacabka oo been loo sheego siyaasad maaha.” Ayuu yidhi Mustafe Cagjar

Hadalkan Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa ku soo beegmay xili uu xidhxidhay qaar ka mida Ururka ONLF.

ጎሳን ከጎሳ ማጋጨት ህዝብን ከመንግስት ማጋጨት የብሔርና የሀይማኖት ጥላቻን መንዛት ሰላማዊ የፖለቲካ ትግል አካል የሚመስላቸው አካላት ስለሰላማዊ የፓለቲካ ትግል ያላቸውን ግንዛቤ ልያስተካክሉ ይገባል::  ጥይት መተኮስ ማቆም ብቻ ሰላማዊ አያስብልም ::

በ”ስላማዊ ትግል” ስም ማንም “ነፃ አውጪ” ነኝ ባይ አገር በታኝ ሀይል የሶማሌ ክልል ህዝብን ሰላም እንዲያደፍርስ እንደማይፈቀድለት ልገነዘብ ይገባል::

የማህበራዊ ሚድያ ጩሀት ማህበራዊ መሰረት ስለማይሆን እውነቱን በጊዜ ተረድቶ ወደ ትክክለኛው መስመር የሚመለስ ማንኛውንም አካል ከግማሽ መንገድ በላይ ሄደን ለማስተናገድ ዝግጁ መሆናችንን በዚሁ አጋጣሚ ለማሳወቅ እንወዳለን::

Hayaannews, Office

Jigjiga, Ethiopia

Email: Hayaannewssoma@gmail.com