Xabbad-Joojin Lagaga Dhawaaqay Gobolka Tigray iyo Xaaladda Mekelle

Mekelle(Hayaannews); Wakaaladaha wararka caalamiga ah ayaa soo tebinaya in maamulka ku meel-gaarka ah ee dowladda Itoobiya ay u magacawday gobolka Tigray uu ku dhowaaqay xabbad joojin ka hirgasha gobolkaasi, taasi oo ay taageertay dowladda dhexe ee federaalka.

Wakaaladda wararka Associated Press ayaa soo tebisay in dowladdu ay si iskeed ah ugu dhawaaqday xabbad joojin degdeg ah.

Warka xabbad joojinta waxaa xaqiijisay warbaahinta taageerta dowladda Itoobiya.

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa sidoo kale soo tebisay in maamulkii ay dowladda Itoobiya u magacawday gobolka Tigray ay ka baxeen magaalada Mekelle ee caasimadda gobolka Tigray, iyadoo dhinaca kalena ciidamo la baxay Tigray Defense Forces ay galeen magaalada.

Af-hayeenka TPLF Getachew Reda ayaa u sheegay wakaaladda wararka Reuters in ay gacanta ku dhigeen magaalada Mekelle.

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in xabbad-joojintu ay socon doonto illaa dhammaadka xilliga beer falashada, waxayna sheegtay in ujeeddadu tahay in beeralaydu ay helaan fursad ay ku qotaan dhulkooda. Dowladda ayaa ku amartay dhammaan hay’adaha federaalka in loo hoggaansamo xabbad joojinta.

Dagaalka u dhexeeya ciidamada dowladda Itoobiya iyo kuwa Tigray ayaa bilowday bishii November ee sanadkii hore markaasi oo dowaddu ku eedaysay ciidamada mamaulka Tigray in ay weerareen taliska waqooyi ee saldhiggiisu ahaa gobolka Tigray.

Bilihii lasoo dhaafayna dagaallo culus ayaa laga soo sheegayey gobolkaasi. Sidoo kale hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa iyagu daabacay warbixinno eedo xadgudubyo ka baxsan xuquuqda aadanaha ah oo ay tilmaameen in ay ku kaceen ciidamada Itoobiya iyo kuwa Eritrea. Itoobiya iyo Eritrea waxa ay beeniyeen eedahaas.

Dhanka kale, warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Xoghayaha Guud ee QM ayaa lagu sheegay in dhacdooyinkii dhowaanahan ka dhacay gobolka Tigray ee Itoobiya ay yihiin “kuwa aad looga walaaco.”

Qoraalka ayaa lagu sheegay in dhacdooyinkani ay caddeynayaan in uusan jirin xal militari oo dhibaatooyinka lagu soo afjari karo.

“Waxa aan hadda la hadlay ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, waxa aanna ku raja weynahay in la joojiyo colaadda. Waa lagama maarmaan in la badbaadiyo dadka rayidka ah, dadka baahanna la gaarsiiyo gargaar bani’aadannimo, islamarkaana la helo xal siyaasadeed,” ayuu yiri Xogahayaha Guud ee QM Antonio Gutterres.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com