Xafiiska Shaqo-qaran oo Daah-Furay Diwaan-gelinta Dufcaddii 3aad iyo Nidaam Cusub Oo Loo Codsanayo

“Qof kastaa isaga oo gurigiisa jooga ayuu Telefoonkiisa iska soo diwaan-gelinayaa isagoo buuxinaya..”Agaasimaha barnaamijka shaqo qaran

Hargeysa (Hayaannews)- Xafiiska Shaqo-qaran ee dawladda Somaliland ayaa maalintii shalay ku daah-furay magaalada Hargeysa diwaan-gelinta dufcadii 3aad ee barmaamujkaasi oo bilaabantay. taasoo ay Ardayda ka qayb-gelaysa sanadkan loo fududeeyey qaabka ay isu-diwaan-gelinayaan.

Barmaamujkan oo Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi bilowday sanadkii 2018-kii,kana qalin-jebiyeen kumanaan dhalinyaro ah labadii dufcadood ee hore lagu carbiyey, ayaa waxa sidoo kale Xafiiska laga Maamulaa uu shaaciyey in ay dib-u-qiimeyn ku samaynayaan faa’idooyinka uu qaranka u soo kordhiyey muddadii uu socday.

Sidaasina waxa sheegay Agaasimaha Xafiiska shaqo-qaran Maxamed Xasan Mu’adinka oo hadal ka jeediyey munaasibad ay ka qaybgaleen Badhasaabada gobolada dalka iyo shirkad Waddani ah oo hirgelisay nidaamka cusub ee diwaangelinta, xafladaasoo lagu daah-furay diwaan-gelinta dufcadii 3aad ee mashruucaasi.

Agaasime Mu’adinka ayaa sheegay inay bilaabantay diwaan-gelinta dufcada 3aad, in Xafiisku samaynayo qiimeyn uu gobolada ka samynayo oo la xidhiidha waxyaabaha mashruucani ka bedelay dabeecadii bulshada, hab-dhaqankii dhalinyaradda iyo shaqo la’aanta.

“kulanka waxaanu ku daah-furaynaa qaab cusub oo aanu doonayno in ay codsadeyaasha barmaamujku isku-diwaangeliyaan, nidaamkaasoo ah hab Online ah. taasina waxa ay culayska ka yaraynaysaa xafiisyadii guddoomiyeyaasha gobolada oo dhibaato badan kala kulmi jiray marka ay dhalinyaradu ku soo xeraynayaan araa’jida, macluumaad badan laga qaban jiray, iyadoo mararka qaar qofku isagoo aan buuxin shuruudaha haddana culays ka imanayey.

iminka wixii ka dambeeya qof kastaa isagoo gurigiisa jooga ayuu Telefoonkiisa iska soo diwaan-gelinayaa isagoo buuxinaya, halkaas ayaana haddii uu shuruudihii u dhamaystiran yihiin laga aqbalayaa”ayuu yidhi Agaasimaha Shaqo-qaran isagoo sharaxaad ka bixinayey hannaanka cusub ee loo diwaangelinayo Ardayda loo qaadanayo barmaamujkaasi.

Dhinaca kale, Agaasimuhu waxa uu halkaasi ka sheegay inay Xafiis ahaan doonayaan in ay guddoomiyeyaasha Gobolada ka helaan xoggo ku saabsan isbedelka iyo saameynta togan ee uu barmaamujkani ku yeeshay waayaha bulshada gobolada ku dhaqan, sida ay dhalinyaradii dufcadihii hore ka baxday wax uga bedeleen nidaaamka shaqada dawliga ah.

“waxa kale oo aanu doonaynaa xafiis ahaan in aanu qiimeyno goboladii oo isweydiino maxaa ku soo kordhay gobolkii, hoos ma u dhacday shaqo la’aantii? dhalinyaradu ma ka qayb-qaataan arrimaha bulshada ee ay guddoomiyeyaasa goboladu hogaaminayaan. xidhiidhka u dhexeeya maamullada gobolada iyo dhalinyarada shaqo qaran ee gobolada joogta ayaanu doonaynaa in qiimeyn ku samayno”ayuu mar kale yidhi agaasimaha Xafiiska Shaqo-qaran.

Dhanka kale, xubno kamida Guddoomiyeyaasha Gobolada dalka oo halkaa ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey bilowga diwaangelinta dufcada cusub ee loo qaadanayo carbiska shaqo-qaran, waxaanay sidoo kale Xafiiska qaranka u qaabilsan barmaamujkaasi ku bogaadiyeen qaabka cusub ee diwaangelinta loo fulinayo oo culays badan ka ridaya.

Sarkaal ku hadlayey magaca Shirkadda hirgelisay nidaamka diwaangelinta casriga ah ee lagu codsanayo shaqo-qaran oo halkaa ka hadlay, ayaa sharaxaad ka bixiyey qaabka uu u shaqaynayo hannaanka isgaadhsiineed ee lagu soo gudbinayo codsiyadu, waxaanu soo bandhigay jaranjarooyinka qofka codsadaha ahi marayo oo aan aqbalahayn wax kasta oo musuqmaasuq iyo khalad lagu samayn karo.