Xaflad Ballaadhan Oo Loogu Wanqalay Murrashaxnimada Abwaan Xasan Dhuxul Ee Doorashada Wakiillada Iyo Khudbadii Uu Jeediyay DAAWASHO-WACAN

Hargeysa(Hayaannews)- Hoggaanka xisbiga KULMIYE, ayaa ka qaybgalay munaasibad ballaadhan oo maanta loogu wanqalay murrashaxnimada Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax oo xisbiga ugu tartami doona doorashada Golaha Wakiillada ee kuraasta Gobolka Maroodi-jeex.

Xaflad si ballaadhan loo agaasimay oo lagu qabtay hoolka weyn ee huteelka Maansoor ee Hargeysa maanta, kana qaybgaleen masuuliyiinta xisbiga KULMIYE oo ay ka mid yihiin Guddoomiye-ku-xigeenka labaad Md. Axmed Cabdi Dheere, Afhayeenka Xisbiga Md. Cabdinaasir Buuni, Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee Golaha Wakiillada Md. Axmed-yaasiin Sh. Cali Ayaanle iyo Wasiirrada Wasaaradaha Xannaanada Xoolaha & Kalluumaysiga Md. Siciid Sulub Maxamed, Xidhiidhka Golayaasha & Arrimaha Dastuurka Md. Maxamed X. Aadan Cilmi, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Md. Mustafe Cali Bile, bahda suugaanta, madax kale oo badan iyo boqolaal taageerayaasha murrashaxa, ayaa lagu shaaciyey in abwaan Laabsaalax yahay murrashax u taagan tartanka doorashada Golaha Wakiillada.

Khudbado laga jeediyey xafladaasi ayaa lagu hambalyeeyey go’aanka iyo hanka abwaan Xasan Laabsaalax ee tartanka xildhibaanimada aqalka matala bulshada ee Wakiillada, waxaanna loo rajeeyey inuu guul weyn ka soo hooyo doorashada.

Dhankiisa murrashax Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax, ayaa isaguna khudbad dheer oo uu halkaasi ka jeediyey kaga warramay hankiisa iyo hamigiisa la xidhiidha go’aanka uu qaatay iyo kaalinta uu ka qaadan karo horumarka dalka haddii la doorto.

HALKAN HOOSE KA DAAWO

 

 

 

 

#Hayaannews,Office

Hargeysa, Somaliland