Xaflad Loo Sameeyey Xuska Sannad-Guurada 27-aad Ee Aas-Aaska Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland

Hargeysa (Hayaannews)- Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay, ayaa maanta lagu qabtay Taliska guud ee Ciidanka Qaranka ee Magaalada Hargeysa, taasoo lagu xusay sanad-guurada 27-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ciidanka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland oo sanad walba la xuso labada bisha Feberaury.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, ahna Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka sida, ayaa markii uu munaasibada soo gaadhay Salaan-sharaf ka qaatay cutub ka tirsan Ciidanka Qaranka oo loo diyaariyey bixinta salaanta Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa salaanta qaatay, iyadoo ay hareerro taagan yihiin Wasiirka Gaashaandhiga, Wasiirka Arrimaha, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta iyo Taliyeyaasha Ciidamada kala duwan.

Munaasibada waxa ka qaybgalay Madaxweynaha, taliyeyaasha Ciidamada, xubno kamida Golaha Wasiirrada, madaxda hay’addaha madaxbanaan qaarkood, Hogaanka asxaabta Qaranka iyo marti-sharaf ka socday haldoorka bulshada qaybaheeda kala duwan.

Kooxda Fanaanniinta Ciidanka Qaranka oo door muuqda ku leh xaflada sanad walba lagu xuso aasaaska Ciidanka Qaranka, ayaa madasha ku soo bandhigay masraxiyad aad u heer saraysa oo isugu jirta baraarujin iyo bogaadin.

Bandhig fanneedka kooxda Dhaqanka, ayaa xambaarsanaa farriimo ka turjumaya qaranimada iyo qadiyada madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland iyo waliba garnaqsi ay dalalka deriska iyo dunida ugu beyaaminayaan xuquuqda ka maqan Waddanka Somaliland.

Geesta kale, munaasibado lagu xusay sanad-guurada 27-aad ee Ciidanak Qaranka, ayaa lagu qabtay Magaalooyinka waaweyn ee gobolada iyo Talisyada Ciidanka Qaranka ee dalka.Mid kamida munaasibadahaas oo lagu qabtay Magaalada Burco, ayaa waxa ka qaybgalay Maamulka heer gobol iyo degmo, Madaxda Ciidamada kala duwan, Saraakiisha iyo marti-sharaf kale.

Geesta kale, Magaalada Ceerigaabo ayaa lagu qabtay Xaflad balaadhan oo lagu xusay maalinta Aasaaska Ciidanka Qaranka, taasoo iyaduna ahayd mid u bilan sida xaflada kale ee dalka ka dhacay.

Dhanka kale, Ciidanka Qaranka ayaa gobolada dalka oo dhan ugu dabaal-degay sanad-guurada 27-aad ee aasaaskooda, waxaanu dabaal-degga sanadkani ku soo beegmay xilli ay nabad-gelyada xuduuddaha dalku aad u fiican tahay oo xasilooni ah.

Ciidanka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland ayaa la aasaasay sanadkii 1993-kii, wakhti adag oo lagu jiray deddaaladii bud-dhiga Dawladnimada, waxaana lagu bilaabay cutubyo ka kooban jabhadii hubaysnaa ee dalka xoreeyey iyo Maleeshiyo-beeleedyo siyaabo kala duwan dalka uga samaysmay oo la qarameeyey, 27 sannadood kaddibna maanta waa Ciidan Qaran oo tiro iyo tayaba dhisan, kuna guulaystay idamka alle ka sekow sugida nabad-gelyada gudaha iyo dibada ee Jamhuuriyada.Ugu dambeyn bahda Dawan Media Group, waxa ay guud ahaan Ciidanka Qaranka Dable ilaa iyo Taliye guud ugu hambalyeynayaan xuska sanad-guuradooda 27-aad, waxaanan alle uga baryeynaa in uu sanadka sanadkiisa ku gaadhsiiyo iyaga iyo qoysaskoodaba bashbash, barwaaqo iyo horumar.

 

 

 

 

 

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com