Xaflad Loogu Dabaal-dagayay Xuska Maalinta Naafada Aduunka Oo Somaliland Laga Xusay DAAWO SAWIRADAN:

Hargeysa(Hayaannews): Xaflad bilan oo si heer sare ah loo soo agaasimay oo loogu dabaal-degayey Xuska Maalinta Naafadda Adduunka ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Hargeysa.

Munaasibadan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaarada shaqo-gelinta arrimaha bulshada iyo qoyska Somaliland, ayaa waxa ka soo qeybgalay  Dallada Naafada Somaliland ee SNDF, hay’ada Bisha Cas, hay’ada Care International,Ururada  maqalka iyo Araga-ba naafada ka ah iyo marti Sharaf kale oo tiro baddan. Hal ku dhiga sanadkani (2020) waxa uu ahaa “NAAFO OO DHAMI MAAHA MID WADA MUUQATA”waxaana goob-joog ahaa Guddoomiyaha Dallada Naafada Somaliland ee SNDF Daahir Cabdi Xuseen

Wasiirka Wasaarada shaqo-gelinta arrimaha bulshada iyo Qoyska Marwo Hinda Jaamac Xirsi (Gaani) ayaa sheegtay inay Wasaaradeedu garab-taagan tahay dadka naafada ah:“Waxaanu Wasaarad ahaan garab taaganay anaga oo gudanayna waajibaadkayaga dadka naafada ah wax ay duruuftu noo saamixi waydo mooyaane,wax aanu ka hagranaa ma jirto, waxaanu ku qiimeynaa wax kasta oo ay wasaaradu qabanayso oo ay caawimo ka geysanayso….waxaan u mahad-celinayaa hay’adaha aanu wada shaqeynta dhow leenahay ee Bisha Cas iyo DAN oo la’aantood wax baddan aanay naafada u suurtagalayn, annaga aanay noo suuroobeyn.

Agaasimaha Waaxda Naafada ee Wasaarada Shaqo-gelinta arrimaha bulshada iyo qoyska Siciid Sheekh Mawliid Yuusuf oo kulankaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Maanta waa maalin weyn “Xuska Maalinta Naafada Aduunka”, waxaana xuskan loogu tallogalay in wacyigelin weyn addunka laga sameeyo, iyo sidii dadka naafada ahi ay xuquuqdooda u heli lahaayeen. Ma jirto wax ay ku kala duwan yihiin dadka naafada ah iyo kuwa aan naafada ahayn, dhammaantood xaga ILAAHAY iyo xaga shuruucda Caalamiga ahba way ka siman yihiin.”

Agaasimaha Waaxda Qorsheynta ee Wasaarada Shaqo-gelita,arrimaha bulshada iyo qoyska Filsan Xuseen Khaliif oo halkaasi ka hadashay ayaa waxay tidhi “Wasaarada Shaqo-gelinta arrimaha bulshada iyo qoysku waxay dib-u-habeyn ku sameyn doonta Siyaasaddii naafada iyo sidii ay loo hawl-gelin lahaa. Sidoo kale waxa gacanta lagu hayaa Xeerkii Naafadda”.

Cabdikariin Sheekh Muuse oo ka socday hay’ada DAN oo qalab u sameysa dadka naafada ah sida Baaskiiladaha, biraha ay dadka naafada ahi ku socdaan iyo arrimo kale oo baddan, waxaanu yidhi“Hay’adayadan wakhti aad u dheer ayay naafada u shaqeynaysay, waxaa la aasaasay 1992-kii markii dalka dib loogu soo noqday oo ay dhibaatooyin baddan ay jireen oo ay miinooyin baddan ay dhulka ku aasnaayeen oo waxana la odhan jiray Hand-cap international. Waxaanu dadka naafada ah u sameynaa qalab baddan oo ka caawiyaa inay socdaan”.Ayuu yidhi.

Sarkaal sare u uku hadlayay magaca hay’ada Bisha Cas ayaa waxa uu ka waramay waxyaabaha ay la qabtaan dadka naafada ah:“Xarunta Naafada ee Bisha Cas waxa la aasaasay 1993-kii,waxaanu wax baddan u qabanay dadka naafada ah oo waxaanu u sameynaa Lugo, Gacmo iyo arrimo baddan oo kale”.Ayuu yidhi.

Guddoomiye kuxigeenka Dallada Naafada Somaliland ee SNDF Cismaan Axmed Cabdi ayaa waxa uu ka waramay duruufaha iyo baahiyaha ku gadaam naafada Somaliland, waxaanu yidhi “Dalladan SNDF waa dallad ay ku bahoobeen 42-Urur oo dhammaan gobolada Somaliland oodhan ka jira, oo mid waliba nooc gaara oo naafo ah matalayo. Dadka naafadahi maaha wax imika uun abuurmay ee wax wax weligeedba jiri jiray, waana wax weligeed-ba jiri doona waana wax aan dhamaan doonin oo maalin walba cid cusubi ku soo biirayso oo furan…”

“Waxaanu sameynay Siyaasadii dadka naafada ah ilaalin lahayd, oo Wasaaradu khaanad ayay ku xidhay. Waxaan ka codsanaynaa Wasaarada shaqo-gelinta arrimaha bulshada iyo qoysku inay dhaqan-geliso oo ay khaanada ka soo saarto Siyaasadda naafadda ahi”.Ayuu yidhi.

HALKAN HOOSE KA DAAWO

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com