Xaflad Loogu Dabaal-degayay Xuska Sannad Guurada 30aad Ee Maalinta Qaramada Somaliland Oo Si Weyn Looga Xusay Waddanka Finland.

Finland(Hayaannews): Xaflad loogu dabaal-dagayay Xuska Sanad-guuradii 30aad ee ka soo wareegtay Maalinta qaranimada Somaliland ee 18-Ka May ayaa lagu qabtay dalka Finland.

Munaasibadan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxa xalay qabatay Safiirka Somaliland ee dalka Finland Marwo Samia  Muse,  xaflaas oo ay ka soo qayebgaleen jaaliyadda Somaliland ee dalka Finland iyo marti fara badan oo ay ka mid ahaayeen masuuliin sida Dr Maxamed Caydiid ahna la-taliyaha Wasaarada Caafimaadka Somaliland iyo Dr Cabdirizaq Alsancaani, Xildhibaan Golaha deegaanka  ee Finland Suldaan Said, musharaxa Mahad Ahmed iyo musharax Abiib.

Waxaana munaasibadaas laga jeediyey Khudbado qiima baddan oo lagu xusayay halgankii dheera ay soo martay Somaliland, waxaana lagu soo bandhigayay ciyaaro Hiddo iyo dhaqan, Gabayo iyo Heeso waddani ah.

Safiirka Somaliland ee dalka Finland Marwo Samia Muse oo halkaasi khubad qiimo baddan ka jeedisay ayaa waxay ka sheekeysay Sooyaalkii dheeraa ee loo soo maray maalinta qaranimada Somaliland iyada oo ku dooday inay marwalba u adeegi doonto  bulshadeeda Somaliland ee Finland iyo Qaranka Somaliland. Waxaanay tidhi: “ Jacaylada daacada ah wakhtigu xil buu faraa, Digtoonina waan qabaa, Daryeel ruux ku la raba miyuu kaa daahaya Somaliland..!

“Waa sannad guuradii 30aad ee dib ula soo noqoshadii qaranimada Somaliland.Waxaan halkan Hambalyo uga dirayaa umadda reer Somaliland qurbo iyo dal-joogba  meel kastoo ay joogaan, Waxaan Alle Inoo Waydiinayaa Inaynu Sannado Badan aynu Ku gaadhno Bashbash Barwaaqo Amni iyo Iiman.Waxaan Idiin Rajaynaa Sannad Guuro Wacan oo Wanaagsan Happy 18 May 2021”. Ayey tidhi Marwo Samia.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net loo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Finland, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com