“XAMAR iyo AfGOOYE Isma Dhex-galaan,bal Is-dhex-galka Xamar iyo HARGEYSA Laga Sameeya Muxu Kordhiyaa?” Wasiir Maxamed-KAAHIN.

Hareysa(Hayaannews); Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxammed Kaahin Axmed, ayaa dowlada Soomaaliya ku eedeeyay in ay wado barnaamij isdhexgal lagaga dhex abuurayo dhalinyarada Somaliland iyo Soomaaliya oo aan faa’iido lahayn, sida uu sheegay.

“Waar Xamar iyo Jawhar isma dhex galaan, Xamar iyo Afgooye oo 27KM isku jiraa isma dhex galaan, Baydhabo iyo Kismaayona isma dhex galaan, Xamar iyo Baladweyne isma dhex galaan, bal is dhex galka Xamar iyo Hargaysa laga sameeya muxu kordhiyaa?” Ayuu yidhi wasiirku.

Wasiirka ayaa sheegay in dhalinyaro reer Somaliland ah oo magaalada Muqdisho u tagay barnaamijka isdhexgalka dhalinyarada, ee ay dowlada Soomaaliya ka shaqaynayso sida uu sheegay, ay nolol aad u xun kala kulmeen magaalada Muqdisho.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi”Maaha Ibni-adanku in uu is jaha wareeriyo, maanta xogaha aanu hayno waxa kamid ah qaar dhalinyaradeena ka mid ah oo barnaamijka lagu jaha wareeriyay, in ay imika xaalada ugu xun, nolosha ugu xun iyo dhibta ugu xun ay Xamar ku joogaan” ayuu yidhi wasiirku.

Barnaamijka isdhexgalka dhalinyarada, dhaqanka iyo fanka, ayaa kamid ahaa qodobadii lagu soo hadal qaaday wada-hadaladii aan midho dhalin ee Somaliland iyo Soomaaliya ku dhex maray dalka Jabuuti 15, Juun, 2020.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com