Xeer-ilaalinta Somaliland Oo Shirci-darro Ku Tilmaantay Xukun Lugu Riday 7 Wiil Oo Ku Eedaysnaa Kufsiga Gabadh 13 Jir ah


Hargeysa(Hayaannews):- Guddoomiyaha Xeer-ilaalinta gobolka Maroodi-jeex, ahna Ku-xigeenka Xeer-ilaaliyaha guud ee Somaliland Mawliid Cabdi Muuse, ayaa duray xukun ay Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ku ridday Sabtidii maanta 7 dhalinyaro Rag ah oo ku eedaysnaa inay Kufsi u geysteen Gabadh 13 jir ah oo ay ku wada jireen xarunta Agoomaha ee Hargeysa.

Toddobada Wiil ee u xidhnkaa kufsiga ay kula kaceen gabadha ay ku wada-jireen xarunta  Agoomaha ee magaalada Hargeysa, taas oo Dhakhaatiir caafimaad caddeeyeen inaanay maskax ahaan caafimaad-qabin, ayey laba ka mid ah Maxkamaddu ku xukuntay shan sano oo xabsi ah, halka shanta kale ay ku xukuntay wax ay ugu yeedhay lix bilood oo dibed-joog ah.

Hase-yeeshee, Guddoomiyaha Xeer-ilaalinta gobolka Maroodi-jeex, ayaa sharci-darro ku tilmaamay xukunka Maxkamadda, isla markaana sheegay inay Xeer-ilaalin ahaan isla maantaba racfaan ka qaateen xukunka Maxkamadda oo uu xusay inaanu ahayn mid ka turjumi kara kiiska ciqaabta ah ee ay Cawo-yar oo ah gabadh aan xiskeedu dhammayn u geysteen

Kiiska Cawo, ayaa Hay’adaha Xuquuqda Aadamaha u dooda qaarkood iyo Hay’adaha dowliga ah ee ay khusayso arrinteedu ka hawlgaleen, ka dib markii warkeedu dibedda u soo baxay ee Saxaafaddi faafisay Cabashada Aabbeheed horraantii bishii June 2020, waxaana aad loogu baaqay inay Garsoorka cadaalad ka hesho gabadha yar ee dhibbanaha ah, waxaanu xukunka Xeer-ilaalintu saluugtay ee maanta Maxkamaddu soo saartay noqonayaa xukunkii koowaad ee Wiilasha dhibta u geystay lagu rido.

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com