“Xidhiidhka Somaliland iyo UAE Oo Cirka Isku Shareeray”

“Somaliland waa dal si weyn loogu ammaanay in uu yahay ilayska nabadda iyo mucjisada Afrika” Warbaahinta MENAFN

Hargeysa (#Hayaannews)- Warbaahinta caalamiga ah ee (MENAFN) oo fadhigeedu yahay dunida Carabta, gaar ahaan bariga dhexe, ayaa shaacisay in uu cirka isku shareeray xidhiidhka diblumaasiyadeed iyo Iskaashi dhaqaale ee dawladaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Imaaraatka Carabtu, Iyada oo tilmaantay in labadan dawladood uu u baryay waa-cusub oo ah bilowga xidhiidh kale oo heer sare ah.

Warsidaha MENAFN oo inta badan ka faallooda arrimaha dhaqaalaha, ganacsiga, Maalgashiga iyo tikniyoolajiyadda, ayaa Dawladda Imaaraadka Carabta ku sifeeyay in ay tahay hoggaamiyaha maalgashiga tooska ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ay taageero laxaad leh ka geysatay mashaariic muhiim u ah horumarinta dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Falanqeynta Wargeyska, ayaa imanaya maalin kaddib markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waraaqda aqoonsiga iyo tahniyad ka guddoomay danjiraha Imaaraadka Carabta oo magacaabis taariikh-gal ah dalkiisu ugu igmaday in uu wakiil uga noqdo Somaliland. #Hayaannews.

Warbixintan uu daabacay warsidaha MENAFN, ayaa ciwaan looga dhigay “Xidhiidhka Somaliland iyo UAE oo cirka isku shareeray”. Warbixintaasi oo ku qornayd luuqada afka Ingiriisiga oo uu soo turjumay wargeyska DAWAN, iyada oo dhamaystiran waxay u qornayd sidan:-

“Xidhiidhka Somaliland iyo Imaaraatka Carabta ayaa cirka isku shareeray. labada dawladood ee Somaliland iyo Imaaraadka Carabta waxay maanta u tahay bilowga xidhiidh kale oo heer sare ah. Iyada oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi uu ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga rasmiga ah ergeyga cusub Mr. Abdulla Alnaqbi oo ah kii koowaad ee dawladda Isu-tagga Imaaraatka Carabtu u soo magacawday Jamhuuriyadda Somaliland.

Dawladda Imaaraadka Carabtu waa hoggaamiyaha maalgashiga tooska ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo taageero dhaqaale ka heleysa mashaariic muhiim u ah dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Maareeyaha hoggaaminaya dekeddaha Dubai, DP World wuxuu ku yaboohay US $ 420 milyan oo ah horumarinta dekedda weyn ee Somaliland ee Badda Cas (Berbera).

Hal-abuurnimada iyo fidinta adeegyada dekedda Berbara, ayaa lagu daray dhismayaasha dekedda ee hadda jira, aagga cashuuraha ka caaggan iyo labada waddo ee isku xidha dekedda iyo magaalada ganacsiga Wajaale ee xadka u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland.

Dhismaha fidinta dekedda Berbera ayaa hadda waxa dhamaystir ku dhaw afar boqol (400) oo mitir oo ah ballaadhin iyo dhisme u qalma horumarinta marsada Berbera oo ah marin muhiim ah oo laga helo mugga ganacsi ee ugu ballaadhan mandaqada oo u adeegi kara dalalka bariga iyo Geeska Afrika iyo gaar ahaan dalka Itoobiya oo aan bad lahayn.

Bandhiggan ugu dambeeyay ee saaxiibtinimada labadan dawladood ayaa cirka ku sii shareeray xidhiidhka labada dal tan iyo markii baarlamaanka Somaliland uu ansixiyay mashaariicda DP World iyo aasaaska saldhigga ciidamada badda ee Imaaraadka ee Berbera sanadkii 2016.

Dawladda Imaaraadka Carabta, ayaa ku biirtay liiska sii kordhaya ee waddamada hore uga furtay xafiisyada ganacsiga iyo diblomaasiyadeed Jamhuuriyadda Somaliland oo ah waddan si weyn loogu ammaanay inuu yahay Ilayska nabadda iyo mucjisada Afrika ee isbarbar dhiga hubanti la’aanta dawladda aan iskeed isu maamulin ee Soomaaliya oo ah dal ay colaadi ragaadisay.

Dawladaha caalamka ee Jamhuuriyadda Somaliland hore uga furtay xafiisyada ganacsiga iyo diblomaasiyadeed waxaaka mid ah Boqortooyada Ingiriiska, dawladda Taiwan, Itoobiya, Jabuuti, Turkiga iyo dalka Imaaraadka Carabta oo ah dawladdii ugu dambaysay ee si rasmi ah xafiis uga furata caasimadda Somaliland ee Hargeysa, iyada oo dhawaana la filayo in dawladda Kenya ay si rasmi ah albaabada ugu furto xafiiskeeda Hargeysa dhamaadka bishan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Sabtidii todobaadkan bushqada warqada aqoonsiga ka guddoomay wakiilka Imaaraadka Carabtu u soo magacaabay Jamhuuriyadda Somaliland, Amb, Abdulla Alnaqbi, kaasoo horraantii sanadkan 2021 ku yimi Somaliland booqasho indho-indho mashaariic dawladdiisu ka fulisay Somaliland.

Danjire Abdulla Alnaqbi, ayaa xilal kala duwan oo maamul ka qabtay laamaha Dawladda Imaaraadka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo uu soo gaadhsiiyey waraaaqaha aqoonsiga iyo salaan uu ka siday madaxda ugu saraysa dalka imaaraadka carabta ayuu uga mahadnaqay sida qiimaha leh ee uu uga gudoomay, iyadoo Madaxweynaha qaranka Somaliland-na u sheegay wakiilka inuu soo gaadhay dal iyo dad jecel walaalnimada iyo wadashaqayn ay ku dheehantahay horumar iyo iskaashi dhexmara labada shacbi iyo labada dawladdood.

Imaaraadka Carabta, ayaa noqonaya dalkii ugu horeeyey ee ka tirsan Khaliijka Carabta ee Xafiis diblomasiyaddeed ka furta Somaliland, iyadoo suurtogelinta arrintaasina in badan ay ka shaqaynaysay Xukuumaddu.

Somaliland, ayaa dhankeeda Xafiis diblomaasiyaddeed ku leh Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu fadhiyo danjire kaalin weyn ka qaatay sidii ay Dawladda Imaaraadku u soo magacaaban lahayd Wakiil u fadhiya Caasimada Somaliland ee Hargeysa. #Hayaannews

Ugu dambeyn, talaabada Dawladda Imaaraadku wakiilka ugu soo dirsatay Somaliland, ayaa noqonaysa mid albaabka u furaysa guud ahaan Dawladdaha Khaliijka iyo dalalka carabeed ee kale inay ku soo dhiirradaan sidii ay cilaaqaad ula yeellan lahaayeen Jamhuuriyadda Somaliland.

 

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com