Washington / Addis Ababa
(Hayaannews):- Dowladda Itoobiya ayaa ka dalbatay Mareykanka inay sharaxaad ka
bixiyaan hadal ka soo yeedhay Madaxwayne Donold Trump, kaas oo la xidhiidha
biyo-xidheenka Webiga Niilka ee ay Tamarta Korontada ka dhalinayso Itoobiya oo
ay dhawaan bilawday dhaamintiisa.
Qoraal ay soo saartay wasaradda arrimaha dibedda ee Itoobiya, ayaa lagu sheegay in wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ay u yeertay safiirka Mareykanka u fadhiya magaalada Addis Abab.
Wasiirka arrimaha dibadda ee
Itoobiya Gedu Andargachew, ayaa xafiiskiisa ugu yeeray safiirka Mareykanka ee
itobiya Mike Raynor si uu sharaxaad uga bixiyo hadalkii Trump ee ahaa in Masar
ay burburin karto biya-xireen ay Itoobiya ka dhisayso wabiga Nile.
Mr Gedu ayaa hoosta ka xariiqay inay marin-habaabin tahay wararka sheegaya in biya-xireenka uu hakinayo qulqulka biyaha wabiga Nile. Bayaanka wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa sidoo kale waxaa wax aan la aqbali Karin ku tilmaamay in madaxwayne Mareykan ah oo xil haya uu huriyo colaad dhexmarta Masar iyo Itoobiya.
Wasiirka arrimaha dibadda ee
dalak Itoobiya ayaa dhanka kale u sheegay safiirka Mareykanka in Itoobiya aysan
waligeed ka baqin hanjabaad ka dhan ah madaxbanaanideeda, islamarakna ay diyaar
u yihiin inay sii wadaan wadaxaajoodka ay gar-wadeenak ka yihiin midowga
Afrika.
Mar sii horreysay ria’sul wasxaaraha dalka Itoobiya ayaa sheegay in dalkiisa ” uusan u dulqaadan doonin daandaansi ama gardaro noocey doonto ha ahaa ” ka dib markii madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay in Masar ay burburin karto biya-xireenka ay Itoobiya ka dhistay wabiga Nile.
Mr Abiy Ahmed si toos ah ugama
jawaabin hadalka Trump, balse waxaa muuki shaki ah waxa ku kalifay Mr Trump
hadalka uu sheegay. Dr Abiy ayaa wacad ku maray in Itoobiya ay dhameystiri
doonto Biya-xireenka. “Itoobiya isma dhiibi doonto gardara noocey doonto ha
ahaatee,” ayuu yidhi. “Itoobiya waligeed jilbaha uma dhigan oo ma adeecin
cadowgeeda, balse waxay xushmeysaa saaxibadeed, ma sameynayno maanta
mustaqbalkana ma sameyn doono.”
Hanjabaad kasta oo arrintan ku
saabsan waa “mid aan loo meel dayin, oo aan natiijo ka soo baxeyn islamarkana
jabinaysa shuruucda caalamiga ah”. Ayuu intaa ku daray.
Hadalka Ra’iIsul-wasaaraha Abey
Axmed ayaa ka dambeeyay ka dib markii madaxweynaha waddanka Mareykanka, Donald
Trump, uu sheegay hadal guux badan ka kicyay gudaha waddanka Itoobiya. Trump
ayaa tilmaamay in Masar ay burburin karto biyo-xireenka wayn ee ay Itoobiya ka
dhinac dhisayso Webiga Nile.
Trump ayaa hadalkaasi ka sheegay
shir dhinaca taleefanka ah oo ay heshiiska diblumaasiyadeed ku gaarayeen
dalalka Suudaan iyo Israa’iil, markaas oo ay khadka ku jireen madaxda labadaasi
dal.
Madaxweyne Trump ayaa
weriyayaasha Aqalka Cad waxa uu ugu sheegay “Waa xaalad aad u halis badan
sababtoo ah Masar sidaas ugama samri karto arrinta.”
“Ugu dambayntii biyo-xireenkaas
way burburin doonaan. Waan iri kor ayaanan u leeyahay – biyo-xireenkaas way
burburin doonaan. Waana inay wax sameeyaan,” ayuu sii raaciyay Trump.
Madaxweyne Trump intaas kuma
uusan ekaan ee waxa kale oo uu tilmaamay in Masar ay arrintaasi ka seexatay:
“Waa hore in uusan bilaaban ayey aheyd inay joojiyaan,” ayuu yiri.
Dhanak kale ra’iisul wasaarihii
hore ee dalkaasi, Hailemariam Dessalegn, ayaa si caro leh arrintaas uga
falceliyay. Dessalegn ayaa farriin uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu ku
sheegay in hadalka Trump uu u sheegay ra’iisul wasaaraha Suudaan uu yahay mid
aan loo meel dayin.
Waxa uu intaasi ku daray inuu ka daray inuu ka xun yahay inuu yiraahdo hasayeeshee ay dhabta tahay in ninkaasi [Trump] uusan ogayn waxa uu ku hadlayo.
Horraantii bishii Sibteembar ayey
aheyd markii dowladda Mareykanka ay ku dhawaaqday inay dhaqaalaha gargaarka ah
ka jari doonto Itoobiya, arrin salka ku haysa biyo-xireenka ballaaran ee uu
dalkaas ka dhinac dhisayo Webiga Nile.
Arrintaas ayaa waxaa sabab u ahaa
tallaabada ay Itoobiya ku buuxinayso biyo-xireenkan wayn ka hor inta aanay wax
heshiis ah la gaarin dalalka Masar iyo Suudaan. Dowladda Masar ayaa muddo dheer
waxa ay ka soo horjeedday in webiga Nile laga dhinac dhiso waxkasta oo yarayn
kara biyaha ay hesho.
Itoobiya ayaa iyana sheegaysa
inay biyo-xireenkan u doonayso inay hesho koronto la isku halayn karo. Markii
si buuxdo loo howlgaliyo biyo-xireenkaas, waxa uu noqon doonaa biyo-xireenka
ugu wayn ee Afrika ee koronto lagu dhaliyo, iyadoo ay koronto heli doonaan 65
milyan oo qof oo Itoobiyaan ah.
Masar, Suudan iyo Itoobiya ayaa
muddo sanado ah waxa ay lahaayeen wadahadallo ay doonayeen inay uga heshiiyaan
qaabka iyo habka ugu habboon ee si nabad ah xal looga gaari karo ammaanka
biyaha Webiga Nile.