Xildhibaan Waabeeyo Oo Ugu Baaqay Xukuumadda Inay Khayraadka Dalka Si Siman Ugu Qaybiso Gobolada Dalka

Hargeysa(Hayaannews)Xildhibaan Maxamed Yuusuf Waabeeyo oo ka mid ah mudanayaasha golaha Wakiillada Somaliland, ayaa  sheegay in wax-yaabaha uu khilaafku ka dhasho ay ka mid yihiin Khayraadka waddanka oo aan si siman loo qaybsan. Waxa uu ku baaqay in cashuurta dalka si siman loogu qaybiyo.

Xildhibaan Waabeeyo waxa kale oo uu sheegay in aanu jirin xeer golaha wakiilladu Ansixiyey oo sheegaya in gobolladu ay kala yihiin A B. C , waxaanu sidaasi ku sheegay mar uu la hadlayey Telefishanka SAAB.

“Ma jiro ilaa iyo hadda meel lagu caddeeyay xeer intii aanu Baarlamaanka ahayn soo baxay oo odhanaya , gobolkaasina waa A kaasina waa B kaasina waa C, ujeedadayaduna waxay ahayd 10% kastamiska laga qaadanayo 12.5% kan Dowladu ha ku kabto ha la isku darro 22.5% ha laga dhigo dabadeed-na si siman gobollada ha loogu qaybiyo , sideedana khayraadka waddanka soo gala wax yaala ay khilaafku ka dhashaan ayey ka mid tahay haddii aan si siman loo qaybsan,”Ayuu yidhi Xildhibaan Waabeeyo

Waxa kale oo uu Xildhibaan Maxamed Yusuf Waabeeyo sheegay in aanay ceeb ahayn in Xildhibaanku uu gobolka laga soo doortay u doona wuxuu xaq u leeyahay ee ka maqan , isla markaana aanu jirin wax sharci ah oo u diidaya Xildhibaanadu inay sidaasi yeelaan “Xildhibaanaduna qabyaalad maaha , markay u hadlaan goboladooda , qofku halka laga soo doortay wixii ka maqan ayuu u doonayaa , waana sharci waana sharci waana xaq..”

Geesta Kale Xildhibaan Waabeeyo, ayaa ku adkeeyey in loo baahan yahay in cashuuraha Dowlada dhexe qaado in si siman loogu qaybiyo dalka “Khayraadka dalka soo gala ee cashuur ah si siman ha loo qaato, iminka Dowlada hoose ee Hargeysa , waxa cashuurto iyada ayaa iska leh, laakiin kastamiska wixii Dowlada dhexe ay qaado , waa in ay gobolada si siman ugu qaybisaa , taasi waxa weeye wax sharci ah oo dunida ka jira , markaa doodu sidaas ayey ahayd , markaa 10% loo jaro gobolada ay kastamadu ku yaalaana iyo 12.5% ay Dowladu ku kabto ay kabista u siiyo Dowlada hoose ha la isku darro oo 22.5% si siman gobolada ha loogu qaybiyo.”