Xildhibaanno Ka Tirsan Congress-ka Maraykanka Oo Ku Baaqay in Somaliland Wax La la Qabsado

Washington (Hayaannews):- Sagaal Xildhibaan oo ka tirsan Congress-ka Maraykanka garabka xisbiga Jamhuuriga, ayaa dowlada Maraykanka u gudbiyay, codsi ay ku doonayaan in dowladoodu xidhiidh dibulumaasiyadeed iyo wada shaqayneed ay la yeelato Somaliland.

“Waxaanu ku boorinaynaa maamulka madaxweyne Biden in uu xidhiidh qoto dheer Somaliland kala yeesho dibulumaasiyada, dhaqaalaha, iyo danaha amaanka,”Ayaa lagu yidhi baaq ay si wada jira xildhibaanadani ugu gudbiyeen xoghayaha arrimaha dibbada Maraykanka Antony Blinken.

Baaqan ayaa lagu sheegay in marka la eego istiraatijiyad ahaan halka ay Somaliland ku taalo, dimuquraadiyada ka jirta, xidhiidhka ay Taiwan la leedahay, dhaqaalaheeda kobcaya, in Somaliland lala kaashan karo adkaynta amniga gobolka isla markaana uu Maraykanku ka heli karo dano badan.

Waxaana lagu yidhi. “Buqcada ay Somaliland kaga taalo Gacanka Cadmeed, taageeradeeda dimuquraadiyada, la dagaalanka budhcad badeeda iyo argagixisada oo lala kaashan karo, iyo khataraha kale ee abni ee gobolka, xidhiidhka ay la leedahay Taiwan iyo dhaqaalaheeda kobcaya, Maraykanku wuxuu ka heli karaa fursado badan la shaqaynta Somaliland”.

Xildhibaanada ayaa sheegay in marka la eego daganaansha la’aanta ka jirta Geeska Afrika intiisa kale, dagaalada Itoobiya ka socda, Eriteria oo iyaduna ku lug yeelatay, Sudan oo maamulkii millateriga ahaa kusoo noqday, doorashooyinka dib u dhacay iyo daganaansha la’aanta siyaasadeed ee Soomaliya ka jirta, Al-shabaab oo iyaduna wali ka dagaalamaysa, in loo baahan yahay in dowlada Maraykanku ay fikir keeda badasho.

Waxay sheegeen in Somaliland 30 sanno ay gooni u taagnayd, oo ay nabadeeda iyo maamulkeeda dhaqaaleba gacanteeda ku maamulaysay, isla markaana ay la leedahay xidhiidho dibulumaasiyadeed iyo ganacsi waddamada gobolka, waxay xuseen in waddanka Itoobiya oo kale uu safaarad buuxda u dalacsiiyay xafiiskiisa Hargaysa, sidoo kalena ay waddamo carbeed iyo reer Yurub xafiisyo dibulumaasiyadeed ku leeyihiin.

Waxay sheegeen in xidhiidh ay dowlada Maraykanku la samayso Somaliland uu ka hortagi karo, isbalaadhinta dowlada Shiinaha ee gobolka, waxayna sheegeen in saldhigii Maraykanka ee Jabuuti uu nuglaaday kadib markii uu Shiinuhu isna saldhig halkaa ku yeeshay.

Waxayna ugu danbayntii dowlada Maraykanka usoo jeediyeen in ay qaado talaabooyin hor leh oo ay ku xoojinayso kuna taageerayso xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan.