Xisbiga KULMIYE Oo Baaq U Diray Musharaxiintiisa

Hargeysa: (Hayaannews)-Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere), ayaa ugu baaqay dhammaanba murrashaxiinta xisbiga KULMIYE uga qaybgeli doona doorashooyinka Goleyaasha Wakiillada iyo deegaanka, inay muddo kooban oo ku siman laba maalmood ku soo bixiyaan cashuurta ku waajibtay ee ay ku shubayaan wasaaradda horumarinta Maaliyadda.

Guddoomiye Axmed Cabdi Dheere oo maanta saxaafadda la hadlay, ayaa faray dhammaanba xubnaha xisbiga KULMIYE uga sharraxan gobollada iyo degmooyinka dalka inay degdeg lacagta cashuurta ugu shubaan xarumaha wasaaradda maaliyaddu ku leedahay dalka, islamarkaana waraaqda muujinaysa in lacagtaas laga qabtay ay usoo diraan xarunta xisbiga, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxa jirta jirta cashuur sharci ah oo ku waajibtay inuu bixiyo nin kasta oo murrashax ahi, faylashii baannu xaraynaynaa 17-ka bishan, waxana aannu jecel in muddo laba maalmood gudahood ah qof kasta oo murrashax ahi uu soo shubo, qof kastaa halka uu joogo ayuu ku bixinayaa, cashuuraha berriga ayuu tegayaa, lacagtaas buu soo bixinayaa, waraaqdii uu lacagta ku bixiyeyna wuu noo soo dirayaa.”

Farriinta cusub ee guddoomiye Axmed Cabdi Dheere maanta u diray xubnaha murrashaxiinta ah, ayaa kamid ah hawlaha lagu dardargelinayo dhammaystirka faylasha kala duwan ee murrashaxiinta oo lagu xaraynayo xarunta guddida doorashooyinka qaranka.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com