Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Oo Ka Fal-celiyay Baaqa Beesha Caalamka

Hargeysa(Hayaannews)-Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa soo dhaweeyey beyaan ka soo baxay wadamada Somaliland ka taageera doorashooyinka oo ku taliyey inay heshiis wadareed ka gaadhaan daneeyayaasha doorashadu, jadwalka doorashooyinka mudaysan sanadkan 2022-ka.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa war qoraal ah oo uu ku soo saaray Maanta oo nuqul ka mida ay heshay Shabakada Wararka ee Hayaannews, waxaanay ku doodeen inay xisbi ahaan waafaqsan yihiin bayaanka beesha caalamka ee saaxiibada JSL.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray inay madaxweynaha u direen xisbiyada mucaaridku warqad ay kaga dalbadeen in la dejiyo hawlaha doorashooyinka.

“Xisbiga Waddani wuxuu waafaqsan yahay soona dhaweynayaa bayaanka ay soo saareen saaxiibbada Somaliland ee ku saabsan geeddisocodka doorashooyinka iyo guud ahaan horumarinta dumuqraadiyadda Somaliland”
Isagoo sii wata qoraalka waxa uu intaasi ku daray “sida ku cad warqadda wadajirka ah ee Xisbiyada mucaaridku u direen Madaxweynaha 24kii January, 2022, waxa aannu aamminsannahay in hadda la joogo wakhtigii la dejin lahaa khariidadda doorashada Madaxtooyada ee 13ka November, 2022 iyo doorashooyinka kale ee muddaysan, iyada oo laga dheeraanayo inuu yimaaddo khilaaf sharci iyo Jaahwareer siyaasadeed”

Wadamada midowga Yurub iyo Ingiriiska oo ah qaadhaan-bixiyeyaasha Somaliland ka taageera hawlaha geedi-socodka dimuquraadiyadda ayaa war-murtiyeed ay soo saareen maanta ku sheegay inay hogaamiyeyaasha siyaasaddu arragti midaysan oo ay heshiis ku yihiin ku waajahaan hannaanka doorashooyinka is-kor saaran.

“Waxaanu ku dhiirigelinaynaa madaxda siyaasadda Somaliland inay caddeeyaan dariiqa loo marayo doorashooyinka soo socda, iyada oo loo marayo hannaan wada-tashi oo loo dhan yahay, iyagoo ku heshiiyey qorshe doorasho oo midaysan oo waafaqsan shuruucda iyo dastuurka Somaliland iyo in la hubiyo in hannaanka doorashooyinku ka tarjumayaan kala duwanaanshaha gudaha ee Somaliland marka la eego ka mid noqoshada haweenka, dhalinyarada iyo dadka laga tirada badan yahay”

War-murtiyeedka oo ay soo saareen midowga Europ,Denmark, Finland, Germany, Norway, Sweden iyo Ingiriisku ayaa lagu sii yidhi “Waxa muhiim ah in wakhtigan xaadirka ah la bilaabo diyaar garowga ay komishanka doorashooyinka qaranku ugu diyaar garoobayaan diwaan galinta codbixiyayaasha si loo dhamaystiro ka hor wakhtiga doorashada ee fooda inagu soo haysa. Anagoo ah shuraakada muddada fog ee geedi socodka dimuqraadiyaynta Somaliland, waxaanu rajaynaynaa inaanu sii wadno taageeradayada iyo ka qaybgalkayaga inta lagu jiro marxaladahan muhiimka ah ee soo socda.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com