Xisbiga UCID Oo Sheegay Inaanay Doorashada Qaban Doonin Komiishankani

Hargeysa(Hayaanews)-Xisbiga mucaaradka ah ee Ucid ayaa ku baaqay in xisbiyada Somaliland ay isugu yimaadaan wada tashi ay ku soo dhisayaan komishan doorasho oo cusub.

Waxa uu xisbigu sheegay in aanay komishanka haatan aanay qaban karin doorashada kadib markii muddo kordhintii golaha guurtidu ay sameeyeen ay ka dhigtay kuwo aan gaadhi kari  bisha laba iyo tobnaad ee sanadkan, waxaana komsihanka doorashooyinka muddo xileedkoodu uu ku eegyahay bisha November.

Cabdinaasir Yuusuf Cismaan ( Qodax ) ku xigeenka xoghayaha guud ee xisbiga Ucid ayaa sida oo kale sheegay in la soo dhiso komishan doorasho oo ka kooban sagaal xubnood, kuwaas ay hore ugu heshiiyeen xisbiyada Kulmiye iyo Ucid.

Xoghaye ku xigeenka xisbiga Ucid oo la hadlaayay tilifishanka SOMALI CABLE waxa uu ugu horayntii ka hadlay inay xisbiyada Somaliland  isugu yimaadaan ka tashiga komishan doorasho oo cusub  “Xisbiyada waxa ku waajib ah inay isku yimaadaan, Komishanka cusub ee hawshaas qaban lahaa laga wada tashado.”

Waxa uu ka hadlay tirada komishanka cusub sida ay ku wadaan“Komishanka cusub tiradiisa haddii aad I waydiisayna labadayada xisbi Kulmiye iyo Ucid waxaanu hore  isula waafaqnay heshiisna aanu ku galnay, waraaqaheediina aad ogaydeen  oo meel walba aanu ku faafinay, in komishanka cusub ay tiradiisu noqoto sagaal xubnood , sida loo kala qaadanaayo iyo meelaha ay ka kala imanayaan wali  waa arin noo taala  oo aanan heshiis ka gaadhin, laakiin waxaanu isla waafaqsanahay in komishanka cusubi uu noqdo sagaal xubnood.”