Xisbiga WADDANI Oo ka Soo Hor jeestay Xubna Uu Madaxweynaha Somaliland U Soo Magacaabay Komiishanka Doorashooyinka
October 15, 2019 - Written by admin
Hargeysa
(Hayaannews) – Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI
ayaa hakiyay xubintii ay dhawaan u xusheen in ay ku darsadaan guddida
cusub ee doorashooyinka cusub.
WADDANI
ayaa qoraal ay ku hakinayaan xubintooda u gudbiyay shir-guddoonka wakiillada
sida uu sheegay guddoomiyaha wakiillada Somaliland, Baashe Maxamed Faarax
WADDANI
ayaa ka cabanaya xubnaha uu soo magacaabay Madaxweynaha Somaliland oo ay
sheegeen in xisbiga Kulmiye ay ka tirsan yihiin.
Madaxweynaha
Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Komiishanka Doorashooyinka cusub u soo
Magacaabay Marwo Kaltuun oo ka mid ahayd Komiishanka Wakhtigiisu dhamaaday,
Mustafe Dhawal iyo Cabdirashiid Riyo-raac.
Mustafe ayaa la sheegay inuu mar ahaa Xoghayaha Golaha Wasiirrada, halka Cabdirashiid Riyo-raacna uu Wasiiru-dawle ka soo noqday noqday Xukuumaddii Kulmiye ee uu hoggaaminayeyMadaxweyne Axmed-siilaanyo.