Xisbiga WADDANI Oo Ku Baaqay in La Sameeyo Gudddi Baadha Sababta Dabka Suuqa WAAHEEN Dhalisay

Hargeysa (Hayaannews) – Xisbiga WADDANI, ayaa soojeediyay in gacmaha laysku qabsado taakulaynta dadka ku hanti waayay suuqa Hargeysa, isaga oo ku baaqay in la sameeyo gudddi baadha sababta dabka dhalisay iyo guddi tirakoobta hantida burburtay

Musharaxa madaxweynaha ee xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhamaan reer Somaliland ka midaysan yihiin taakulaynta dadkii ku hanti beelay dabka suuqa Waaheen.

Waxaanu yidhi.”Habeenkaa waxaynu ka midaysnayn ilaa haddana ka midaysanahay, mucaarad iyo muxaafad, ciidan iyo shacab sidii dadka caydhoobay ee hantidoodii halka ku gubatay loogu gurman lahaa, maantana, dib u dhiskooda, xoolayntooda iyo kasoo kabashadooda looga qayb qaadan laha”

Musharaxa ayaa soo jeediyay in lala shaqeeyo isla markaana wixii kaalmo ah lagu soo hagaajiyo guddida ay xukuumaddu magacowday, waxa kale oo uu soo jeediyay in la as aaso guddi baadha sababta dhalisay dabka iyo guddi diwaan galisa hantida ku burburtay suuqa.

Musharaxa ayaa sidoo kale ku baaqay in hawsha dib u dhiska suuqa Waaheen faraha looga qaado Dowlada Hoose ee Hargeysa, oo uu sheegay in sharcigu farayo oo ay masuuliyadeeda tahay.

Cirro ayaa sheegay in Suuqa Waaheen uu hore ula soo kulmay dhibaatooyin, kuwaasi oo ganacsatada suuqu kasoo kabteen, waxaanu sheegayn in sidaa si lamid ah looga soo kaban doono dhibka hada dhacay.