Xisbiga WADDANI Oo Si Adag U Cambaareyey Xadhiga Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland, Baaqna U Direy Xukuumadda.

 



“Wasiirku waxa uu khal-khalgelinayaa tartankii ciyaaraha Gobolada Somaliland….” Xoghayaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xisbiga Waddani Yuusuf Nuux Yuusuf (Tadhase)

 

Hargeysa(Hayaannews): Xoghayaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xisbiga WADDANI Yuusuf Nuux Yuusuf (Tadhase), ayaa cambaareeyey xadhiga Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland Maxamed Aamiin Cabdi Cilmi (Dixood), isaga oo ku eedeeyey inuu ka danbeeyey Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Boos Mire.

Xoghaye Tadhase waxa uu eedeeyey Wasiir Boos Mirre inuu khal-khalgelinayo tartanka ciyaaraha Gobolada Somaliland ee la filayo inay dhawaan dalka ka qabsoomaan.

“Wasiirku waxa uu khal-khalgelinayaa tartankii ciyaaraha Gobolada Somaliland ee la faliyay inuu qabsoomo 28-October 2020……  Xisbiga Waddani waxa uu sharci-darro u arkaa xadhiga guddoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland Maxamed Aamiin Cabdi Cilmi…oo waan cambaareynayaa”Ayuu yidhi Yuusuf Nuux Tadhase oo Warbaahinta ka hadlayay, waxaanu ugu baaqay Xukuumadda Madaxweyne Biixi inay si degdega Xorriyadiisi ugu soo celiso.

Yuusuf Nuux Yuusuf (Tadhase)

Hayaannews, Office

Email: Hayaannewssoma@gmail.com