“Xisbiga WADDANI, waxa uu Noqday Jaamacad Soo saarta Dhalinyaro Siyaasiyiin ah” Guddoomiye Cirro

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in Xisbiga Wadddani yahay Jaamacad soo saarta dhalinayaro siyaasiyiin ah

“Waxa noo sharaf ah in maanta Xisbiga WADDANI uu noqday Jaamacad soo saarta dhallinyaro siyaasiyiin ah oo maanta Qaranka hoggaamintiisa kaalin kaga jira, berritana noqon doona hoggaamiyayaasha dalkan. Waxa aan tusaale u soo qaadan karaa Dhamme oo ah dhallinyaraddi Aas-aastay Xisbiga, aasaasayaashina ah, Maxamed Faarax, oo ka mid ah siyaasiyiin waaweyn ah ee Xisbiga. Barkhad Batuun iyo Maayirka Magaalada Mooge oo ah ragga ugu saameyn badan siyaasadda ee ka soo baxay Xisbiga WADDANI.

Doorka dambana waxa aan soo saarayna haween siyaasad ahaan dhisan, iyo jiil intaas ka badan, Insha Allah.” Ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale(#MJ)

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com