“Xisbiyada Qaranku iib Ma Galaan!….” Xoghayaha Cadaalada Xisbiga WADDANI

Hargeysa(Hayaannews): Xoghayaha Cadaalada Waddani Yoonis Ahmed Yoonis ayaa sheegay inaanay Xisbiyada qaranku iib-gelin, isaga oo ku dooday in kuwa yidhaahda  Xisbiyada waa la iibsaday waa kuwo abaal la’aanta Muuse Biixi qarinaya.

Sidaa waxa uu sheegay qoraal uu soo saaray maanta nuqul ka mid ah ay heshay Shabakada Wararka ee Hayaannews

Kuwa yidhaahda Xisbi ayaa la iibsaday, waa Kuwo Abaal la’aanta Muuse Biixi isku daya in ay qariyaan”

Taageerayaasha Kulmiye ee yidhaahda Xisbi ayaa la iibsaday waa kuwa isku daya in ay qariyaan abaal la’aanta Muuse Biixi ku caan baxay, ee haddana isku daya in ay qariyaan gobonimada iyo abaal celinta Cabdiraxmaan Cirro.

Taageerayaashani si ay u dadaan, una qariyaan abaal la’aanta uu Madaxweyne Muuse Biixi kula kacay, dadkii soo doortay iyo kuwii ku garabo beelay markii uu Kursiga doonayey ee uu cidla kaga dhaqaaqay halka kuwo kalena uu la meeraysanayo oo ay ku adkaatay inuu Xisbiga ku wareejiyo.

Cabdiraxmaan Cirro, waxa uu gartay in raggii garab taagnaa maalintii adkayd inuu u abaal celiyo oo uu midna ka dhigo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, halka mid kalena uu ku dhisay Guddoomiyaha Xisbiga, isaga oo aan weli talada Dalka ku Guuleysan!

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com