“Xog-waraysi Dheer Kaddib Waxaannu Isla Qaadannay Inaan Dacwada Diinta Ka Wada Shaqeyno….” Sheekh Axmed Kheyr.


Hargeysa(Hayaannews): Sheekh Axmed Kheyr ayaa shaaciyay inuu Fanaankii weyna ee Maxamed BK inuu maalinta Arbacada ee Fooda inagu soo haysa ee gebi ahaanba ka fadhiisan doono Fankii, isla markaana ay isla qaateen inay ka wada shaqeeyaan Dacwada Diinta islaamka.

Sidaa waxa Sheekh Axmed Kheyr ku sheegay qoraal uu soo saaray oo ay heshay Shabakadda Wararka ee Hayaannews

“Walaalayaal sawirkan waxaan galnay 4 sanno ka hor anigoo Axmed Biif ah iyo  saaxiibkay Maxamed BK; waqti uu gurigiisa igu marti qaaday. Laakiin maantay waxaan idiin hayaa War farxad leh;  oo ah anigoo Axmed Kheyr ah iyo Saaxiibkay Maxamed Mubaarak ah. Allaahu Akbar.

Waxaan wada hadalnay saacado ka hor walaalkey; is xogwaraysi dheer kaddib waxaannu isla qaadannay inaan dacwada ka wada shaqayno, insha Allaah inta nolosha ka dhiman saaxiibkay Cabdi Hani  iyo Maxamed Mubaarak iyo anigu insha Allaah khayrka ayaan isu garabsan doonaa.

Waxaan ugu bushaareynayaa qof walba oo samaha iyo kheyrka jecel in Arbacada uu ku dhawaaqi doono in uu fanka uu Allaah dartiis uu uga bixi doonno,  insha Allaah walaalayaal noo soo duceeya dhammaanteen in uu rabbi khaatumada nagu dilo insha alaah

Ugu danbeyn waxaan ku soo khatimaa ducadii uu ku duceystay Nebi Yuusuf C.S.

 : (رَبِّ قَدْ آتَيْتَنِي مِنَ الْمُلْكِ وَعَلَّمْتَنِي مِنْ تَأْوِيلِ الأَحَادِيثِ فَاطِرَ السَّمَاوَاتِ

Bidix; Sheekh Axmed Kheyr Midigta Maxamed Mubaarak.

Mustafe-Janaale

Hayaannews, Office

Email: Hayaannewssoma@gmail.com