“Xornimo ayaan ku Dhalanay, Xornimana Waanu ku Noolaan Doonaa China-na Nama Xukumo” Wasiir Dr. Ciise Kayd.

Xukuumadda Somaliland oo si Adag ugu Jawaabtay China

“Ganacsigayaga waxaannu u maamulaynaa sidaanu rabno, mana jiro waddan kale oo na xukumi karaa”

Taipei(Hayaannews): Wasiirka Arriimaha Dibedda iyo iskaashiga caalamiga Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud, ayaa maanta oo jimce ah Jawaab adag siiyey Dawladda Shiinaha, isaga oo ku sugan dalka Taiwan, gaar ahaan magaalada Taipei oo ay socdaal shaqo ku joogaan isaga iyo wefti wasiirro ah oo ka socda dalka Somailland.

“Waxaanu dhalannay annagoo xor ah, waxaanan jiraynaa annagoo xor ah. Sida aanu doono ayaanu arrimahayaga u maamulanaynaa, Shiinuhu waxba nooma yeedhin karo, waddan kale-na wax nooma yeedhin karo,” sidaas waxa yidhi wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, waxaanu intaas ku daray inay cilaaqaad la samaynayaan cid kasta oo tix-gelinaysa madax-bannaanida iyo dowladnimada Somaliland islamarkaana doonaysa inay la samayso xidhiidh ganacsi iyo mid dublomaasiyeed oo bilaa shuruud ah.

“Waxaan u malaynaa in taasi ku filan tahay Shiinaha,” Ayuu yidhi Dr. Essa Kayd.

Dhinaca kale, wasiirka Horumarinta Maaliyadda ee Somaliland Dr Sacad Cali Shire, ayaa dhankiisa sheegay inaanay jirin wax Deyn ah oo Somaliland weydiisatay Taiwan, balse ay jiraan siyaabo kale oo taageerada dhaqaale ee dalkaasi ku soo gaadho Somaliland.

“Waxa jira Dhaqaale ka yimaadda Taiwan oo Somaliland u soo gaadha qaab mucaawimo ah iyo mid maalgashiba, waanan soo dhawaynaynaa,” sidaas ayuu yidhi Wasiir Sacad Cali Shire.

Hadalkan ayaa ka danbeeyey, kadib markii Dawlda Shiinuhu sheegata inay Taiwan qayb ka tahay dhulweynaha Shiinaha, waxaanu khilaafkooda siyaasadeed sii xoogaystay kaddib markii xidhiidh dublomaasiyeed dhexmaray Somaliland iyo Taiwan oo sannadkii 2020 xafiisyo wakiil ka ah danaha labada waddan ka kala furtay magaalooyinka Hargeysa iyo Taipei.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha ayaa Taiwan ku eedaysay inay ku xad-gudbayso wax ay ku tilmaantay ‘madax-banaanida dalalka’ kaddib markii xukuumadda Taipei marti-qaad u fidiyey weftiga Wasiirrada Somaliland oo Salaasadii gaadhay Dalkaas.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo weftiga uu hoggaaminayo, ayaa Arbacadii kulan la yeeshay madaxweynaha Taiwan, Mrs Tsai Ing-wen oo qasriga madaxtooyada ku qaabishay, waxaanu wasiirku madaxweynaha u soo bandhigay fursadaha maalgeshi ee ka jira Somaliland oo uu ka dalbaday inay maalgeshadaan dowladda Taiwan iyo shirkadaha dalkaasinba.

Weftiga Wasiirrada oo noqonaya kii ugu miisaanka cuslaa ee Somaliland u dirto Taiwan, ayaa la filayaa inay Sabtida Berri soo gunaanadaan socdaalka shaqo ee ay ku joogaan dalka Taiwan.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com