Xukuumada Somaliland Oo Ka Walaacsan Kordhka Tirada Dadka ay Abaaruhu Sameeyeen

“Abaartu waxa ay saamayaysaa hal milyan iyo laba boqol oo kun oo qof haddii aanu roob di’in”

Hargeysa (Hayaannews) Guddoomiyaha hay’adda aafooyinka iyo kaydka raashinka Qaranka Somaliland, mudane Faysal Cali Sheekh Maxamed, ayaa shaaca ka qaaday in saddexda bilood ee soo socda laga cabsi qabbo in dadka abaartu saameysay ay gaadhaan hal milyen iyo laba boqol oo qof, haddii aan dadka ILLAAHEY raxmaadkiisa u shubin.

Sidoo kale waxa uu xusay in dadka sida dhabta ay u taabatay dhibaatada abaartu ay dhan yihiin hadda sideed boqol iyo toban kun oo ruux.

Gudoomiye Faysal waxa uu intaas raaciyay, in hay’addooda iyo guddida gurmadka abaaraha ee heer Qaran ku hawlan yihiin sidii cunto iyo biyo loo gaadhsiin lahaa dadka abaaruhu ay saameeyeen xaaladda abaaraha ee dalka ka jirtaana haatan marayso meel adag.

Waxa kale oo uu sheegay in abaartu ay ku xoog badan tahay gobollada Sool, Sanaag Togdheer iyo xeebaha Saaxil ilaa Awdal iyo Koonfurta gobolka Maroodi Jeex. Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in dadkani ay u baahan yihiin gurmad deg deg ah in lala gaadho, si loo samato bixiyo. Waxaa sidan uu ka sheegay kulan uu la yeeshay guddida deegaanka iyo khayraadka dabeeciga ah ee golaha wakiillada Somaliland.

Guddoomiye Faysal oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi. “Gobollo fara badan oo Somaliland ah bay saameysay abaartani, roobkii Gu’ga si fiican looma wada helin. Guddi farsamo ayaannu u diray lixda gobol ee dalka, dhibaatada abaartu waxa ay saameysay 810,000 qof, oo u baahan kaalmo deg deg ah, lana filayo saadaashuna in ay hal milyen iyo laba boqol oo qof gaadho, saddexda bilood ee soo socda haddii ILLAAHEY aanu roob inoo shub”

Dadkan abaaruhu saameeyeen ayaa hadda guddida abaaraha Somaliland ku hawlan tahay sidii ay gurmad biyo iyo baad leh u gaadhsiin lahayd.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com