Xukuumadda Itoobiya Oo Ciidammo iyo Gaadiid Dagaal Geysay Soomaaliya

Doolow (Hayaannews):- Ciidammo ka tirsan Millateriga Dowladda Itoobiya oo wata gaadiidka gaashaaman ee dagaalka, ayaa gaadhay magaalada Doolow ee gobolka Gedo, kuwaas oo aan ka tirsanayn Ciidammada Midowga Afrika ee Soomaaliya nabad-ilaalinta u jooga ee ATMIS.

Ciidammadan oo aan ka tirsanayn kuwa ATMIS ee Midowga Afrika, ayaa si rasmi ah u joogaya Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan wajiga labaad ee dagaalka ka dhan ah kooxda Alshabaab.

Arbacadii ayay Ciidammadani ka soo tallaabeen xadka Soomaaliya, maalmo kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Ciidammo ka socda Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti ay tagayaan Soomaaliya si ay Al-Shabaab ugula dagaallamaan Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya, ayaa dowladaha jaarka ee Itoobiya iyo Kenya ka codsatay in ay ka qaybqaataan duullaan cusub oo ka dhan ah Al-Shabaab. Duulllaankaas oo ka billaaban doona Maamullafa Koonfur-galbeed iyo Jubbaland, halkaas oo Al-shabaab ay haaatan ku xooggan tahay.

Itoobiya, ayaa hore Ciidankeeda u geysay Soomaaliya 2006-dii si ay taageero Millateri u siiyaan dowladdii ku-meel-gaadhka ahayd ee Soomaaliya ee CabdillaahiYuusuf Madaxweynaha ka ahaa, waxaase markii dambe lagu eedeeyay inay xasuuq ka geysteen caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.