“Xukuumadda KULMIYE Waa Shimbir Bilaa Baalal Ah……. Mucaaridku Waa Inuu Qabsado  Shirgudoonka Golaha wakiilada….”Maxamuud Xaashi

Hargeysa (Hayaannews)- Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa ka hadlay natiijada Doorashooyinkii Isku-sidkanaa ee Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada ee Somaliland ka qabsoontay 31-kii May 2021 iyo Saamayntii ay mandaqadda iyo Caalamkaba ku yeelatay.

Maxamuud Xaashi oo caawa hadal ka jeediyey Dood ay soo qaban-qaabisay Dalladda Sonsaf, waxa uu si qoto-dheer uga faallooday Casharradii laga bartay doorashadaas iyo natiijooyin ka soo baxay oo uu sheegay inay salka ku hayaan bisaylka shacabka.

Maxamuud Xaashi Cabdi waxa kale oo uu ka hadlay guul-darrada doorashada ka soo gaadhay xisbiga Kulmiye, taas oo uu sheegay inay Cashar wax lagu qaato u tahay Xisbiga iyo hoggaankiisa oo madaxweyne Muuse Biixi u horreeyo.

Waxa uu siyaasigu madaxweynaha Somaliland ku ammaanay hirgelinta iyo bixinta boqolkiiba 75 kharashka ku baxay Doorashooyinka Isku Sidkan ee Golayaasha Deegaanka iyo wakiillada oo uu sheegay inay tahay Guul aan la dafiri karin oo Md Muuse Biixi leeyahay.

” Xukuumada Kulmiye waa Shimbir bilaa balal ah , magaalooyinkii waa weynaa ayaa lagala wareegay , golihii baarlamaanka ayaa laga qabsadey. Danta dalku waxay ku jirtaa in mucaaridku qabsado  shirgudoonka Golaha wakiilada oo dalka u fiican….”. Ayuu yidhi Maxamuud Xaashi Cabdi.

HALKAN HOOSE KA DAAWO

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com