Xukuumadda Madaxweyne Biixi Oo Xabsiga Dhigtay Laba Murashax Iyo Xisbiga UCID Oo Si Adag U Cambaareeyey.

“Xadhigaa waxaanu u aragnaa Cabudhin,Awood Sheegasho iyo Ku tumasho sharci….” Xoghaye Yuusuf Keyse.

Hargeysa(Hayaannews); Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Md Yuusuf Kayse Cabdilaahi, ayaa Cambaareeyey  xadhiga ay xukuumaddu kula kacday labada Murashax ee kala ah Raage Axmed  Jaamac (Dhadoon) oo u sharaxnaa Golaha Wakiillada Somaliland, halka Maxamuud Axmed Jaamac uu u sharaxnaa Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa.

Murashixiintan xabsiga loo taxaabay ayaa lagu waday inay Xafladooda Shaacintu qabsoonto Maalinta Khamiista ee Fooda inagu soo haysaa.

Sidaa waxa lagu sheegay qoraal u uku saxeexan-yahay Xoghaye Yuusuf Keyse oo nuqul ka mid ah ay heshay Shabakada Wararka ee #Hayaannews waxaanu u dhignaa sidan

“Xadhig Sharci daro ah, Waxaanu Cod dheer ku Canbaareynaynaa Xadhiga Sharci darada ah ee lagula Kacay Xoghayaha Maaliyada Xisbiga UCID  ahna Musharax Golaha Wakiilada JSL Md Raage Axmed Yusuf Siciid iyo Musharaxa Golaha Deegaanka Caasimada Md Maxamuud Axmed Jaamac (Dhadoon) o Xafladooda Shaacintu Dhacaysay Maalinta Khamiista ee soo socotaa.

Xadhigaa waxaanu u aragnaa Cabudhin,Awood Sheegasho iyo Ku tumasho sharci. Sidaa daraadeed Waxaanu Leenahay si Deg Deg ah Xoriyadoodii ha loogu soo Celiyo labada Musharax”.

Waa Markii ugu horeysa taariikhda ee la xidho Murashixiin soo bandhigay hankooda Siyaasiga ah, taasina waa hab-dhaqanada Xukuumadda uu hoggaaminayo Xisbiga KULMIYE.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com