Xukuumadda Oo Dadka iyo Xoolaha u Fasaxday Isticmaalka Dalaga ka Soo Go’ay Mashruuca Deegaanka BEER

Burco (Hayaannews) Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland ayaa degaanka Beer ee gobolka Togdheer kaga dhawaaqday in ay si rasmi ah u fasaxday isticmaalka dadka iyo xoolaha ee dalaga waxyaalihii ay wasaaraddu ka beertay degaanka Beer.

Dalagyada iyo calafka ay wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland ka beertay degaankaasi oo dhammaa 300 oo Hiktar oo isugu jiray Hadhuudh iyo Galey ayaa go’aanka dadka loogu ogolaaday in ay isticmaali karaan waxa ku dhawaaqay isu duwaha wasaaradda Horumarinta Beeraha ee gobolka Togdheer Maxamed Cabdi Maxamuud (Guray), isaga oo sidoo kalena kormeer indho indhayn ah kusoo maray degaankaasi Beer.

Waxa uu sheegay isu duwe Maxamed Cabdi Maxamuud (Guray) in waxyaalihii degaankaas laga beeray ay waayeen roobabkii ugu dambeeyey, isla markaana ay calaf noqdeen, dadkuna ay abaar la kulmeen oo ay dhinac walba ka yimaadeen, waxaanu tilmaamay in duruufahaas adag ee jira dartood wasiirka horumarinta Beeraha Somaliland Md Axmed Muumin Seed uu ku amray in loo fasaxo xoolaha calamka goobahaas beeraha ah ku yaalla.

Isu Duwe Maxamed Cabdi Maxamuud (Guray) waxa uu sheegay in aan la ogolayn in la rarto calafka xoolaha ee beerahaas dhex yaalla, laakiin loo ogol yahay in ay xooluhu soo galaan oo ay daaqaan.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com