Xukuumadda Somaliland iyo Qaramada Midoobay Oo Ka Wada-hadlay Kor-u-qaadista Mashaariicda Iyo Qodobo Kale

Hargeysa (Hayaanews)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay ku-xigeenka Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Dr Aadan Cabdimawla oo safar shaqo dalka ku yimi.

Kulankan, ayaa lagaga wada hadlay arrimo ay kamid yihiin nidaamka wada-shaqayneed ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Qaramada Midoobay, ee ay ugu horrayso mashaariicda qaramada midoobay ka fuliso gudaha Somaliland, xaaladda guud ee abaarta dalka ka jirta iyo Qorshaha Somaliland ee ku aaddan arrimahaasi, iyo doorka qaramada midoobay ay ka qaadan karto gurmadkaas.

Waxa kale oo kulankaa lagu lafo-guray Qorshaha Horumarinta Qaranka ee saddexaad (NDPIII), kaas oo dhammaan mashaariicda horumarinta la waafajin doono.

Waxa kale oo ay xukuumaddu il gaara ku eegaysa ay dalbatay in gobollada bariga Somaliland oo ay ku yaryihiin mashaariicda Qaramada Midoobay, in la kordhiyo mashaariicda iyo gargaarka Qaramada Midoobay ee ku aaddan Goboladaa, waxna laga beddelo nidaamka ay uga hawl-galaan hadda.

Dhinacooda, Weftiga Qaramada Midoobay waxay ammaanneen dhammaan dedaaladii xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland uga jawaabtay sidii ugu haboonayd ee ay ka midka ahaayeen dufaantii Sagar ee ku dhufatay xeebaha Somaliland, xakamayntii xanuunka Covid 19 iyo Tallaaladii bilaashka ahaa ee xukuumaddu gaadhsiisay dadkeeda oo ay sheegeen inay tahay arrin muhiima oo soo jiidatay indhaha caalamka in dal aan la aqoonsan, dhaqaale ahaana ay ka baaxad weynaayeen masiibooyinkaasi uu muujiyo dedaalka intaas leeg.

Waxaana madaxweynaha kulankaasi ku wehelinaayey wasiirka Qorshaynta iyo horumarinta Qaranka Somaliland, halka dhinaca weftigana ay wehelinayeen ku-xigeenka Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, madaxa OCHA, Makiha Kimura, Simone Strachan oo ah madaxa xafiiska qaramada midoobay ee Hargeysa, Sabine Corrinna Friedrich, Mustafe Khayre iyo Cabdi Askar oo ka mid ah madaxda xafiiska Qaramada Midoobay ee Hargeysa