Xukuumadda Somaliland ka Hadashay Curashada Ramadaan iyo Fadligeeda
May 5, 2019 - Written by admin
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta oo xalay u warramay Wakaallada Wararka Somaliland (SOLNA), Wuxuu sheegay in curashada bisha Ramadaan aan caawa Jamhuuriyadda Somaliland meelna laga arag, sidaas darteed bisha Shabcaan ay 30 tahay, isla markaana habeen dambe oo Isniin ah ay Bisha Barakaysan ee Ramadaan Kow noqonayso la soomi doono.
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sh. Khaliil Cabdilaahi Axmed wuxuu dadweynaha reer Somaliland ugu hambalyeeyey bisha Barakaysan ee Ramadaan oo uu u soo jeediyey in laga faa’iidaysto Fadliga Bisha Ramadaan isla markaana la badiyo acmaasha khayrka leh si EEBE innoogu dambi dhaafo.