Xukuumadda Somaliland Oo Marti-gelinaysa Qaxoontiga Afghanistan Iyo Walaaca Ay Abuurtay.

Hargesya(Hayaannews): Xukuumadda Somaliland ayaa la sheegay In Ay Aqbashay Marti Gelinta Qaxoontiga Ka Cararaya Xoogaga Daliban Ee Qabsaday Afghanistan.

Jimcihii, afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in Hargeysa ay wadahadallo la gashay mas’uuliyiinta Mareykanka oo ku saabsan in si kumeel gaadh ah ay U martigeliyqqn qaxootiga Afgaanistaan. “Anagu (mabda ‘ahaan) waxaan ku raacsanahay … inaan martigalino qaxootiga Afgaanistaan ​​muddada kumeelgaadhka,” ayuu yidhi sarkaalka, isagoo raaciyay in heshiiska uu weli yahay mid horudhac ah, iyadoo farsamooyinku ay weli shaqeynayaan oo aan la cayimin taariikhda imaanshahooda.

Go’aankan ayaa waxa uu walaac iyo wel wel ku abuuray shacabka reer Somaliland, iyada oo aad loogu hadal hayo meelaha ay dadku isugu yimaadaan. Waxaanay arrintani u eeg tahay dalkii Falastiin sidii loogu beeray Yuhuudda oo ay maanta dhagaxa ka tuur-tuuraan dalkii ay lahaayeen dhexdiisa, mise u eeg tahay taynu ka dagaalanay tu ka daran inaynu ku socono oo ah: “Mulki wareejin Asal-maguuraankeeni hore”.

Waxaan aqaana sida wacan ee aynu u maqalno san-qadha soo jiidashada macaan ee Sunuuda (Lacag).Hada maaha kaligay ee waa kuligeen.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com