Xukuumadda Somaliland oo Sheegtay in Taariikhda Qoran ee Qaranka lagu Darayo Go’aankii Duuliye Axmed-dheere


Hargeysa(Hayaannews):- Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay inay taariikhda ku dari doonaan geesinnimadii uu ku badbaadiyey Bulshada reer Hargeysa Duuliye Axmed Maxamed Xasan (Axmed-dheere) oo ah duuliyihii diiday inuu duqeeyo magaalada Hargeysa, 13-ka bishii Julay 1988-kii, xilligaas oo uu ka mid ahaa Duuliyeyaasha diyaaradihii dagaalka ee dowladdii Millateriga ahayd ee Soomaaliya.

Wasiir Maxamed Kaahin ka qaybgalay kulan Duuliyaha caawa loogu qabtay Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa, ayaa u mahad-naqay Axmed Maxamed Xasan iyo Maamulka Xarunta Dhaqanka Hargeysa ee hirgelisay kulankan, isla markaana ay ka qaybgaleen Dadweyne dhalinyaro u badan, Aqoonyahan, Siyaasiyiin iyo Xubno Ururkii SNM ee dalka xoreeyey ka mid ahaa.

Halkan waxa fadhiya inta badan dhalinyaro, kollay arrintani waxay macno u samaynaysaa Dadkii SNM ee siday wax u dhacayeen ogaa…” sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin, waxaanu ka warramay dhibaatada ay Ciidanka dowladdii Millateriga ahayd ee Soomaaliya u geysteen Dadkii ku noolaa dhulka Somaliland oo uu gumaad iyo xasuuq ku tilmaamay.

Wasiir Maxamed Kaahin oo ka hadlaya go’aanka Axmed-dheere qaatay iyo siduu u adkaa, wuxuu yidhi; “Axmed waan u hambalyeynayaa, xilligaa nin go’aan adag leh oo caqiidadiisa islaamku ay hagayso, ayaa go’aankaa Axmed qaatay qaadan karaayey. Ninku haddii uu talis ka baxsanayo oo uu Sarkaal yahay, waxa laga yaabaa awoodo farabadan buu leeyahay, oo gaadhuu heli karayaa, ciidan buu ka xaysan karayaa, gaadhigaasuu ku baxsan karayaa. Laakiin, way adag tahay Nin duuliye ah oo diyaarad dagaal saaran oo aan haysannin meelo kale oo caawin kara iyo garoomo kale oo diyaaradeed oo uu ku dego, waxa laga yaabaa markuu degaayo inuu ku soconayo 300KM.”

“Laakiin, waxa laga yaabaa markuu garoonka ku degaayo inuu ku soconayo 300 km, waa Hargeysa, Berbera illaa Burco. Waad qiyaasi karaysaa markaa diyaaradda isbiidhkaa uu tegaayo, diyaaradda ayaa cilladi ku iman kartaa, diyaarad kale ayaa ridi karta, Bayloodku go’aan wuu qaadan karaa, Baarashuud buu diyaaradda ka goosan karaa, deegaanka uu ku degayana ma garanayo, waa dhul xeeb ah oo diyaaradda is-biidhkaa ku socota dhib ku ah. Markaa, Axmed geesinnimo ayuu sameeyey, go’aan wanaagsan buu qaatay, waa inaad intiinna halkan fadhidaa xasuusataan… Haddaynu reer Somaliland nahay Axmed xusuus buu innagu leeyahay, dhalinyartuna waa inay ogaataa.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Kaahin,

Waxa uu Wasiir Maxamed Kaahin, halkaas kaga jawaabay su’aalo iyo soojeedimo ka qayb-galayaasha qaarkood kaga qayb-qaateen barnaamijka, kuwaas oo ay ka mid ahayd in billad sharaf amma billad-qaran la siiyo Axmed-dheere oo uu mudan yahay, waxa uu yidhi; “Waxaynu dhisaynaa hadda halkii Khayriyada la odhan jiray, waxaynu ka dhisaynaa Madxafka taariikhda qaranka, Axmed, waxa uu ka mid noqonayaa dadka lagu xusayo ee taariikhdiisu halkaas oollayso, wixii kale ee aynu ku tari karnana waan ku taraynaa.”