Xukuumadda Somaliland Oo Soo Jeedisay In Gurmad Deg Deg Ah Loo Fidiyo Dadka ku Barakacay LAASCAANOOD.

Hargeysa (Hayaannews) Wasiirka wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland Dr,Axmed Aadan Buuxane, ayaa sheegay in dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ay ku barakaceen dad gaadhaya 172%.

Waxa guud ahaan hay’addaha caalamiga iyo kuwa maxaliga ah ka codsaday in gurmad deg deg ah ay dadkaasi la gaadhaan.

Wasiirku waxa uu sidan ka sheegay kulan ay isugu yimaadeen, wasiiradda wasaaradaha maaliyaddaa, ganacsiga iyo guddoomiyeyaasha hay’addaha qaxoontiga iyo barakacayaasha qaranka iyo u diyaar garawga aafooyinka iyo Agaasimaha guud ee wasaaradda arimaha gudaha, kaas oo lagaga arrinsanayay sidii wax loogu qaban lahaa dadka ka barakacay ee Magaalada Laascaanood.

Sidoo kale Guddoomiyaha hay’ada Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka Somaliland Cabdikariim Axmed Maxamed Xinif, ayaa sheegay in xafiis ay ka wada hawlgalaan hay’addaha dawladda iyo kuwa caalamiga iyo kuwa Qaramada Midoobay in laga hirgelin doono xarunta hay’adda Qaxoontiga iyo barakacayaasha, kaas oo noqon doona mid laga kaalmeeyo dadka ku barakacay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Wasiirku isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi.“Waxay u badan tahay 172% sida aanu cabirka ku hayno in yar oo hore u barakacday mooyaane, 172% waxa ay qaxeen markii xabadu dhacday, hanti, hub may qaadan, raashin may qaadan, iyaga ubadkooduba waxa ay daadsan yihiin meelo badan, oo ka mida gobolka Sool, Puntland ayay tageen, Ceerigaabo ayay tageen,”

Wasiir Buuxane waxa uu fariin gaara u diray hay’addaha caalamiga ah kuwa maxaliga ah iyo kuwa Qaramada Midoobay.

Waxaanu yidhi.“Dhammaan hay’adda ay deg deg u gaadhaan dadka barakacay ee dhibaataysan, wixii ay hayaan ee hanti ah, ee raashin ah, lacag ah, hoy iyo hu wixii ay hayaan in si deg deg ay ugaadhsiiyaan”