Xukuumadda Soomaaliya Oo Shaacisay Inay Ka Hortagtay Hub Dalka La Soo Gelinayay.

Muqdisho(Hayaannews): Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka hortagtay hub culus iyo rasaas sharci-darro ah oo ay shaqsiyaad Soomaali ah, hay’ado iyo dalal shisheeye doonayeen inay dalka soo geliyaan, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay xogo muhiim ah ku heshay in hay’ado ajanebi ah, waddamo shisheeye iyo dad Soomaali ah oo isbahaystay ay maalmahan isku deyeyeen in ay hub culus iyo rasaas sharci darro ah soo geliyaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyada oo aan haba yaraatee waxba lagala socodsiin, ogolaanshana aan laga haysan hay’adaha kala duwan ee dowladda federaalka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dowladda ma aysan magacaabin shaqsiyaadka Soomaalida ah, hay’adaha iyo dalalka shisheey, hase yeeshee waxay sheeegtay inay baaritaan ku hayso hubkaas culus iyo rasaastaas sharci darrada ah, meesha loo waday, meesha laga soo dhiibay iyo ujeedka laga lahaa.

“Dowladda Federalka Soomaaliya waxay qorshahan la rabay in dalka lagu soo geliyo hub sharci darro ah iyo wax kasta oo khalkhal gelinaya nabadda iyo xasiloonida dalka u aragtaa duulaan lagu soo qaaday madaxbanaanida iyo xasiloonida dalka. Mowqif adagna way iska taagaysaa,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Hayaannews, Office

Muqdisho, Soomaaliya