“Xukuumaddii iyo Dadkii Ay xukumaysay Hadaad Kala Dhex-geliso Been iyo Is-aaminaad La’aan iyo Inay Cid Gaari Leedahay Nidaamkan,….waad Duminaysa…” Wasiir Saleebaan Cali-KOORE.

”Horumar fiican ayaa Saxaafadda laga sameeyey, wixii Qaran ahaan ina liicinaya aynu ka feejignaano” Wasiir Saleebaan Cali-KOORE.

Hargeysa(Hayaannews): Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacygelinta Somaliland Saleebaan Cali Koore, ayaa ku ammaanay Saxaafadda Somaliland inay horumar wanaagsan ay sameysay, isla markaana waa inaynu ka feejignaano wixii qarana ahaan ina liicinayaa.

Sidaa waxa uu Wasiir Saleebaan Cali-KOORE ka sheegay Xusa maalinta Saxaafadda Somaliland oo sannadasta loo dabaal-dego 9 November 2021 oo maanta lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

”Horumar fiican ayaa Saxaafadda laga sameeyey, wixii Qaran ahaan ina liicinaya aynu ka feejignaano”.Ayuu yidhi Wasiir Saleeb Cali Koore, isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Saxaafaddu dadka wax ayay bartaa, wax ayay u sheegtaa, horumar ayey ka hadashaa…”

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Saxaafadda Somaliland inay horumarto dan ayay inoo tahay, inay horumarto dan ayay inoo tahay”

”Dawladnimadu Waa Sharaf Iyo Is aamninaad Ka Dhexaysa Ummadda”… Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacygelinta Somaliland Saleebaan Cali Koore.

Wasiir Koore mar uu la hadlayay Saxaafadda Somaliland waxa uu kula dar-daarmay oo uu yidhi“Inay Dal iyo Qaran ahaanba u tudhno wixii dalka kala qeybinaayaa, iyo Wixii dhib nabad-gelyo darro gelinayaa…Wixii qaran ahaan ina taabanayaa ee ina liicinaayaa”

“Hadaad Sharaftii iyo is-aaminaadii aad ka faydo xukunkii iyo dawladnimadii oo aad maalinba dhagax qaado, oo xukuumaddii iyo dadkii ay xukumaysay aad kala dhexgeliso been iyo is-aaminaad la’aan iyo inay cid gaari leedahay nidaamkan, waxa laga yaaba inaanad u qaadanin inaad duminayso ee aad u-jeeddo qof”. Ayuu yidhi Wasiir Koore.

Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa sheegay inay tirada suxufiyiinta la xidhay sanadkan ay dhan yihiin 20 wariye iyagoo tilmaamay inay tahay sanadkii ugu yaraa xadhiga suxufiyiintu.

Xogtan ayaa lagu soo bandhigay xuska maalinta saxaafadda Somaliland ee 9-ka November oo maanta sanad-walba la xuso, kaas oo lagu qabtay Magaalada Hargeysa.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Mustafe_Janaale(#MJ)

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com