Xulka Maxamed Mooge Oo Ku Guulaysatay Koobka Degmooyinka Hargeysa

Hargeysa (Hayaannews)- Koobka degmooyinka ee Caasimadda Hargeysa oo maanta ciyaartii u dambaysay la ciyaaray ayaa waxa isku waajahay degmooyinka Axmed Dhagax iyo Maxamed Mooge.

Ciyaartan oo ahayd mid xiiso leh isla mar ahaantaana la wada sugayay ayaa waxa foodda is daray degmada difaacanaysa horyaalka degmooyinka ee caasimadda Hargeysa Axmed Dhagax iyo degmada Maxamed Mooge.

Qaybtii hore ee ciyaarta labada kooxoodba waxay soo bandhigeen ciyaar isku miisaaman, iyadoon labada kooxoodba ay ku dedalayeen sidii ay u keeni lahaayeen goolal ay ku badiyaan oo ay ku qaadaan koobka degmooyinka ee caasimadda Hargeysa ee sannadka 2021-ka. Balse qaybtii hore ee ciyaarta ay kusoo dhammaatay bar bar eber iyo ebera h.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayaa iyaduna soo idlaatay iyadoon wax goolal ah la iska dhalin, iyadoo labada kooxoodba ay isku dayayeen sidii ay u carraabin lahayd kooxda kale ee la hardamaysa.

Markii ay soo dhammaadeen 90-kii daqiiqo ee ciyaartu ayaa waxa lagu daray 4 daqiiqo oo dheeraad ah, taasoon iyadna aan waxba ka baddalin natiijadii hore ee ciyaarta, waxaana ciyaartii galabta ee dhex martay degmooyinka Axmed Dhagax iyo Maxamed Mooge ay u gudubtay gool ku laad ama rikoodhayaan qofba sida uu u yaqaan.

Waxaana ciyaartii galabta, ee u dambaysay koobka degmooyinka ee caasimadda Hargeysa ee sannadka 2021-ka ay guushu ku raacday degmada Maxamed Mooge oo jiidhay degmadii hore u difaacanaysay koobkaasi degmada Axmed Dhagax, iyagoo kaga badiyay 5 iyo 4 gool.

 

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale(#MJ)

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com