Fanaankii Caanka Ahaa Cabdinaasir Macalin Caydiid Oo Ku Geeriyoodey Magaalada Adis-ababa

Addis-ababa(Hayaannews): Alle ha u naxariistee Cabdinaasir Macalin Caydiid oo ahaa Fanaan iyo Mulaxamiiste laf-dhabar u ahaa fanka Soomaalida ayaa caawa oo ay taariikhdu ahayd 26.12.2022 ku Geeriyoodey Cusbitaal ku yaal Magaalada Adisaba ee dalka Ethiopia oo lagu daweynayay.

Marxuum Cabdinaasir Macalin Caydiid waxaa uu ahaa shaqsi Eebe u siiyey hibada fanka, taas oo sababtey inuu dheeraado fanaaniinta kale laxam saarka heesaha, tumista cuudka, iyo curinta heesaha.

Alle ha u naxariiste waxa uu Marxuumku door shariifa ka soo qaatay labada halkan ee dib-u-xorreyntii dalka Jamhuuriyadda Somaliland oo uu ka tirsanaa Ururkii SNM, iyo dib-u-dhiskii dalkan Somaliland.

Waxaan ILAAHAY uga baryayaa inuu u naxariisto Fanaankii-weyna ee  Mujaahid Cabdinaasir Macalin Caydiid, Qoyskii, Ehelkii Qaraabadii, bahda fanka iyo Suugaanta Soomaalida iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland ee uu ka baxayna Marxuumku, jeex-ba dumay fankii Soomaalida, waxa uu aasaasay Kooxdii fanaaniinta ee la magac-baxday ‘FAN-SAN’.

Eebe waxaan uga baryeynaa inuu u naxariisto  Cabdinaasir Macalin-caydiid, Samir iyo iimaan saadiq ahna ka siiyo qoyskii, eheladii iyo bahda fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed, iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland ee uu ka baxay.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

Mustafe_Janaale

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com