“Waa In Si Deg dega Oo Shuruud La’aan Ah Loo joojiya  Dagaalka” Madaxweynihii Hore Soomaaliya Sheekh Sharif Sheekh Ahmed

Sheekh-Shariif-Sheekh-Axmed-HAYAANNEWS

Muqdisho(Hayaannews): Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag uga hadley xaalada Magaalada Laascaanood, isaga oo ku baaqey in si degdeg ah oo shuruud la’aana loo joojiyo dagaalka ka socda Magaalada Laascaanood muddada dhowr iyo tobbonka maalmood ah .

Bayaan xambaarsan talooyin wax ku ool ah oo uu soo saarey maanta Sheekh Shariif oo nuqul ka mida ay heshay Shabakada Wararka ee #Hayaannews isaga oo faah-faahsan waxa u dhignaa sidan;

“Waxaa ayaan darro wayn u ah Soomali oo idil Dagaalka ka socda Magaalada Laascaanood oo gaaray maalintiisii 12-aad iyadoo colaaddu ay sii xoogaysanayso oo weli aysan muuqan ififaalo nabadeed, waxaa sii labanlaabmaya dhimashada, dhaawaca, barakaca iyo burburka hantiyadeed ee soo gaaraya dadka aan waxba galabsan.

Hadaba annagoo gudanayna waajibka naga saran joojinta iyo xakamaynta dhiiga Umadda Soomaaliyeed ayaan markale ku baaqaynaa joojinta dagaalka ka socda magaalada Laascaanood si shuruud la’aan ah, waxaan xusuusinaynaa dadka Soomaaliyeed iyo Bulshada Caalamka Casharka ugu muhiimsan ee laga faa’iiday dagaalladii sokeeye ee ka dhacay Dalka Soomaaliya waa inaan beeli beel kale xoog ku maquunin karin, awood ciidanna lagu gaari karin ujeeddo siyaasadeed.

Looma dulqaadan karo daadinta dhiigga Soomaaliyeed, waxa ka socda magaalada Laascaanood waxaa lagu sifayn karaa dambiyo ka dhan ah Bini’aadannimada, xad gudubna ku ah mucaahadaadka iyo xeerarka caalamiga ah.

Duullaanka socda waxaa laga dhaxlayaa oo qura, dhimasho, dhaawac, nacayb ay wiil iyo abtigiis isnacaan, colaad mahadho ah iyo burbur hantiyadeed.

Hadaba, Si loo dabo qabto musiibada waxaan ku baaqayaa:

1- in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo xabadda.

2- In ciidanka laga dulqaado magaalada.

3- In Isimada, culimada iyo waxgaradka labada beelood ay kulan degdeg ah isugu yimaadaan.

4- In Dowladda Federaalka Soomaaliya ay adeegsato culays siyaasadeed iyo mid Diblimasi sidii nabad waarta loogu soo dabbaali lahaa colaadda dabo dheeraatay.

Ugu dambayn, anigoo bogaadinaya dadaallada beesha caalamka ee ku wajahan daminta colaadda ka aloosan Laascaanood; hadana waxaan leeyahay waa in tallaabo sharci ah laga qaadaa cidda hurinaysa colaadda Laascaanood iyadoo la adeegsanayo fagaarayaasha caalamiga ah sida: The Arusha Tribunal iyo Maxkamadda dambiyada caalamiga (International Criminal Court).

Sheekh-Shariif-Sheekh-Axmed-HAYAANNEWS

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

#Mustafe_Janaale

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com