Xasuus Qorka Madaxweynihii Hore Ee Mareykanka Obama (A Promised Land)

Dadka jecel iyo kuwa aan jeclaynba waxay isku raacsanyihiin in Baraak Obaama uu yahay xiddig. Obaama wuxu taariikhda kugalay in uu noqday madaxweynihii ugu horreeyey ee Maraykan ee madow ah.

Buuggu wuxu ina dhex marinayaa qisada wiil yar oo hooyo keli ah soo korisay oo noqonaya qofkii ugu horreeyey ee madow ah ee fadhiista Aqalka Cad ee looga taliyo dalka Maraykanka. Waxaan ku naqaannaa in uu Obaama yahay hoggaamiye soo jiidasho leh oo hibo leh, laakiin waxaad la yaabi doontaa in aad maqasho sheeko halgan, shaki iyo qalalaase ka buuxay, xataa heer uu ku sigtay in uu siyaasaddaba faraha ka qaado.

Casharadan ayaan ka baran karnaa Obaama:

Baraak wuxu rabay in uu adduunka beddelo isaga oo da’yar. Wuxu doonayey in uu isbeddelkaa u maro dhanka siyaasadda, ilaa uu ku dhawaaday in uu ka tanaasulo iskudaygii uu ku noqon lahaa siyaasiga.

1: Haddii aanu sameyn lahayn halkii dadaal ee ugu dambeeyay, Obaama ma noqdeen madaxweyne.

Baraak Xuseen Obaama wuxu ku koray Honolulu, waxa soo koriyey ayeydii iyo awowgii hooyo. Qofna ma filayn in uu ku danbeyn doono xafiis dawladeed, iskaba daa in uu madaxweyne noqdee.

Dhallinyaranimadiisii wuxu isticmaalijiray maandooriyeyaasha, waanu iska baashaali jiray oo  xataa darajooyinkiisa waxbarasho waxay ahaayeen kuwo dhexdhexaad ah.

Laakiin, wakhtigii dambe oo uu bilaabay in uu buugta akhriyo, wax weyn ayaa iska beddelay. Jacaylka iyo xiisaha uu buugta u qabo waxay gaadheen heer awawgii ku yidhaahdo: “waxan oo buug ah ee aad soo iibsatay, ma maktabad ayaad ku furaysaa.”

Markii uu aqoonta iyo buugta dhex galay, isla markiiba wuxu ogaaday in uu xiisaynayso aragtiyaha siyaasadda, wuxuuna doonay in uu aqoontiisa uga faa’iideeyo oo uu ku xaliyo dhibaatooyinka bulsho iyo dhaqaale ee bulshada haysta.

Kaddib markii uu ka qalin jabiyay jaamacadda Kolombiya (Columbia), wuxu la shaqeeyay ururrada bulshada ee magaalada Jikaago (Chicago), si uu u caawiyo dadka ay sida xun u saamaysay xidhitaankii warshadaha birta ee gobolkaa ku yaalay.

Obaama markii uu shaqadan dhexgalay indhaha ayaa u furmay, wuxu yaqiinsaday in isbeddelka laga sameyn karo ururrada bulshadu uu yahay mid gaabis ah, laakiin isbeddelka dhabta ah laga sameyn karo xafiisyada talada laga gooyo. Wuxu go’aansaday in uu waxbarashada sii kordhiyo, wuxuuna galay kuliyadda sharciga ee jaamacadda Haadhfaadh (Harvard).

Muddo kaddib markii uu ka qalin jabiyey jaamacadda, wuxu u tartamay xildhibaan gobol, wuxuuna noqday xildhibaan ka tirsan xildhibaanada gobolka Ilanoy (Illinois). Wuxu yeeshay reer oo waxay isguursadeen Misheel (Michelle). In kasta oo ay u muuqatay in uu Obaama hadda gaadhay heerkii uu doonayey, haddana ma ahayn meel uu rabay in uu ku sii nagaado, wuxu doonayey in uu wax intan ka badan qabto. Wuxu go’aansaday in uu u tartamo Golaha Wakiilada ee dalka (House of Representatives), in kasta oo Misheel diiday fikirkiisa oo ay rabtay in aanu reerka ka dheeraan, haddana wuu ku adkaystay.

In uu booskan u tartamo ma ahayn mid sahlan. Waxa la odhan karaa waxay ahayd tallaabo geesinimo leh, waayo qofka ka soo horjeeday wuxu ahaa xildhibaan caan ah oo muddo kursigan ku fadhiyey.

Obaama muu helin doorashadii, waxa laga sarreeyey codod badan. Wakhtigan adag iyo guuldarradan uu doorashada kala kulmay waxay siisay fursad uu dib ugu qiimeeyo wuxu rabo iyo doorashooyinkiisa nololeed. Wuxu qaatay go’aan islaweyni ah oo uu ku doonayo in uu ugu tartamo tartan aan macquul ahayn.

Sababo badan awgeed, Obaama wuu ka bixi waayey siyaasadda.  Muu rabin in uu ka hadho riyadiisa ah in uu wax ka qabto oo caawiyo dadka Mareykan. Wuxu go’aansaday in uu sameeyo hal iskuday oo kale, isaga oo ogolaansho ka helay marwadiisa. Waxay ku heshiiyeen in haddii ay markan shaqayn waydo, in uu siyaasadda faraha ka qaadi doono. Wuxu markan u tartamayaa Golaha Guurtida (US Senate).

2: Wuxu ka faa’ideystay caanimadiisii

Markii caannimada Obaama ay cirka isku shareertay, fursadaha uu ku noqon karo madaxweyne ayaa sii kordhay. Markii uu u tartamayey Golaha Guurtida (US Senate), wuxu martiqaad ka helay Shirweynihii Qaran ee xisbigiisa ee lagu cumaamadayey musharax Joon Keeri ee 2004-tii.

Khudbadiisii uu shirkaa ka jeediyey ayaa si layaab leh u faaftay. Farriintiisa xoogga badan iyo wax ka dhaadhicintiisa ayaa dadka kicisay, kuna soo jeedisay indhaha dadka Maraykan iyo kuwa adduunkaba. Khudbadiisaa ​​caanka noqotay ayaa Obaama ka dhigtay qof cid kastaa baratay oo caan ah.  Dhawr bilood kaddib, Obaama wuxu si aqlabiyad ah ugu guulaystay kursigii golaha guurtida. Afar sano kaddibna wuxu ku guuleystay madaxweynenimadii.

Si kastaba ha ahaatee, Obaama wuxu qabay shaki badan oo naftiisa ah, waxyaabaha shakiga galiyey waxa ka mid ahaa khibryad yarida iyo magaciisa yaabka ah iyo muslinimada lagu xidhiidhinayo. Wuxu’se mowqifkiisu isbeddelay markii uu booqday xildhibaankii ruugcaddaaga ahaa ee Tedh Kenedi.  Wuxu Tedh u sheegay in hadda ay tahay waqtigiisii oo uu hore u socdo.

Markii uu Obaama ku dhawaaqay in uu madaxweynanimada u tartamayo, dad badan ayaa soo dhaweeyey. Markay arkaan way ku soo urrurayeen. Ma ahayn arrin fudud in madaxweyne uu u tartamo qof Obaama oo kale ah. Arrimaha isir-nacaybka ayaa ka mid ahaa kuwii ugu darnaa. Dadka qaarkood waxay u arkayeen in Maraykanku aanu weli diyaar u ahayn madaxweyne madow. Qaar kale waxay sheegayeen in Obaama aanu madow dhab ah ahayn oo aanu mateli karin.

Ugu dambeyn, qofku haddii uu ogaado wuxu doonayo, kartideeda leeyahay, dadaalna la yimaado oo aanu ka hadhin, waxa hubaal ah in uu gaadhayo.

Qoraalkan waxaan ka soo turjumay four minutes books.

Axmed-Keyse Cali Rooble